Hargeysa(gna):-Madaxweynaha somaliland ayaa maanta furay shirka 7aad ee isku duwida deeqaha somaliland la siiyo. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada qorshaynta qaranka somaliland oo maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Oo maanta Furay Shirkii 7aad Oo Lagaga Hadlayo Isku Duwida Deeqaha Somaliland La Siiyo+Daawo Sawirada
Wasaarada qorshaynta qaranka somaliland ayaa shirkaasi ka soo saartay warsaxaafadeed u dhignaa sidan "Waxa maanta Huteel Ambasor ee magalaada Hargeysa lagu qabta
shirka 7aad ee isu-duwida mucaawinooyinka Somaliland.
Shirka oo uu si rasmi ah u furay Madaxwaynaha JSL Mud Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa ka soo qaybgalay dhinaca dawladda Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadd, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Madaxtooyada, Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda, Deegaanka, Ciyaaraha, Macdanta iyo Tamarta, Khayraadka Biyaha, Gancasiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, madax kale oo ka socotay laamahada dawaladda, ururrada bulshada rayidka ah, kuwa dhallinyarada, ganacsato madax ka socotay deeqbixiyayaasha, safiirro, masuuliyiin ka socota Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Baanka Adduunka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo ururrada caalamiga.
Shirkan oo muddo laba maalmooda ka socon doon Huteel Ambasador ee Magaalada Hargiesa, waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Ujeeddada shirkan ayaa waxay tahay sidii loo lafoguri lahaa, isla markaana ay dawladdu ugu gudbin lahayd deeqbixiyayaasha warbixin la xidhiidha waxqabadka ka soo baxay mucaawimada ay siiyaan Somaliland iyo sida loo kala siiyo mudnaanta baahiyaha dalka ka jirta iyadoo la isku jaangoyn doono qorshayaasha sannadaha soo socda la iskuna waafajin lahaa mucaawinada iyo baahida.
Shirkan oo sannadkiiba laba jeer qabsooma, ayaa sannadkana waxa si gaar ah isha loogu hayo habka caawimada gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) ee ka mida barnaamijka loo yaqaano New Deal (heshiiska Cahdiga Cusub).
Hadal uu halkaa ka jeediyey Madaxwayanaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ugu horrey waxa uu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey deeqbixiyayaasha iyo ka soo qaybgalayaasha, waxa uu madaxwaynuhu xusay inay Somaliland labaatankii sanno ee ugu dambeeyey ay nabadgalyo ku naaloonaysay, taasoo sidoo kale ay kula noolayd waddamada jaarka iyo caalamka intiisa kaleba, isagoo intaa ku daray in Somaliland ay gaadhay horumar ballaadhan oo dhinacyo badan ah. Waxa kale oo uu xusay madaxwaynuhu inay ka go’antahay qabashada doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada ee sannadka 2015. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyey mowqifka ay xukuumaddu ku qaadacday ka qaybgalka shirka dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna si faahfaahsan uga warramay ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inay tahay sii warbixin ku saabsan waxqabdka ka fulay mucaawinooyinka Somaliland la siiyo loo siin lahaa deeqbixiyayaasha, waxaannu intaas ku daray in mudada uu socdo lagu lafa guri doona arrimhaas mucaawinpooyinka ee loogu talogalay in lagu horumariyo Somaliland.
Safiir Anderson oo ku hadlayey magaca dawlada Denmark ayaa ka dhawaajiyey sida ay ugu ganacsanyihiin Horumarka Somaliland ay gaadhay isagoo xusay inay sii wadi doonaan deeqaha iyo mucaawinayooyinka ay siinayaan Somaliland, waxa kale oo uu xusay inay soo dhawaynayaan xubinta dumarka ee lagu daray gudida doorashooyinka.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxdii ka socotay ka qaybgalayaasha shirkana dhammaantood waxay si isku ugu mahadnaqeen ergooyinka kala duwan ee ka soo qaybgalay shirka, waxaanay tilmaameen in waxqbad muuqda lagu fuliyey mucaawinooyinka Somaliland ka soo gaadha deeqbixiyayaasha iyo dawladaha Caalamka, halkaan ka sii wadi doona wadashaqaynta iyo arrimaha horumarka dalku gaadhay.”
Gobanimonews
hargaysa/somaliland
mustafe herer