, ma jiro khilaaf aniga iyo labaday gudoomiye,ku xigeeno baashe iyo Cali naga dhaxeeya, xildhibaanadana waa sidaa soo kale markaa hadii dhan xiirka laga dhex saaro way iska dhamaysandoonaan isha Allahu...... Cirro,
mr. cirro waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada ugu baaqay in aanay iskugu jawaabin saxaafada ee ay arimahooda si hoosa u dhamaystaan islamarkaana ay aanay dhegaha shacabka soo gaadhsiin waxa uu ku sheegay warar wasakhaynaaya dhagaha bulshada.
geesta kalana gudoomiye ayaa sheegay in aanu jirin wax khilaafa oo ka dhexeeya isaga iyo labadiisa ku xigeen ee Baaashe iyo cali waxaanu sheegay in golaha wakiiladu u baahan yahiin inay iska saaraan dhan xiirka waa sida uu yidhiye.
sikastaba ahaatee hadalka gudoomiye Cirro ayaa ku soo beegmaaya wakhti xidhibaanada golaha wakiiladu ay laba garab u kala fadhiyaan iyada oo garabka ciro lagaga xoog bataya inay meel mariyaan xeerkii diwaan galinta oo ay xukuumadu ku sheegtay inuu huwanaa shaadh xisbiga waddani u dana iyo xubanhii koomishanka doorashooyinka oo iyaguna aan ilaa hada la ansixin iyada oo xubnahii hore wakhtigoodu dhamaaday islamarkaana madaxweyne Siilaanyo uu ka joojiyay shaqadii.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.office
Hargaysa/Somaliland