Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa Cabdirashid Faarax Axmed iyo Dhammaan Qoyska Reer Faarax Guudcade, oo uu ka tacsiyadaynaya Walaalkood Marxuum Ibrahim Faarax Axmed ku geeryooday Magaaladda Djibouti,
Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi