Thursday, November 6, 2014

Sharaftii Timirta??Xamse B. Muxumed

xamseHadaba sidaan kawar qabno shaygan aan hada ka hadlayno oo ah timirta, ayaa ah shay sharaf iyo qadarin ku dhex leh dhirta dhexdeeda iyo cuntada islaamku quutaan.

Nabi maxamed CSW waxa uu ku tilmaamay geedka timirta in uu u eegyahay muuminka dhabta ah kaas oo uu macno ahaa ku sheegay in geedkan timirtu aanu lahayn meel la tuuro oo la iska fogeeyo, ogow oo hadaad geed abqaasho oo aad beerto, marka uu gaadho wakhtiga goosashada waxa uu yeeshaa cuf iyo xashiish aan manaafacad lahay oo aanu ugu yeedhno Bal, ama caleen qalshay, dhirta kasta oo la manaafacsado oo waxtar leh waxa uu leeyahay in xaabxaab ah oo aan waxtar badan u lahayn bulshada, Hadaba timirtu waa shay aan lahayn xubin la tuuro, Caleemaheeda, jirideeda, midhaheeda aan bislaan, kuwa bislaada, xididkeeda dhamaan kuwan waa kuwo manaafacaad u leh bulshada.

Sidoo kale midha timirtu waa kuwo uu macalinkeenii, sharafta iyo qadarinta lahaa ee Nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) waxa uu inoo sheegay in qofka tiro kala dhiman oo timir ah cuna in aanu dhibayn shaydaanka iyo ishi toona.

Timirtu manaafacaad badan ayaa uu macalinkeenu NNKH inooga faaideeye waana geed sharaf iyo qadarin ku dhex leh islaamka dhexdooda. Mida kale timirtu waxa aad uga baxdaa dhulka muslimiinta gaar ahaan caasimada islaamka ee MAKA IYO MADIINA iyo dhamaan dhulka barakaysan .

Hadba timirtii sidaas ahayd ayaa waxaa aad ku dhex arkaysaa magaaloyinka somalidu degto gaar ahaan kuwooda waaweyn in sharaftii laga qaaday, oo timirtii la soo wadhay meel banana oo duqsiga iyo boodhku is dul socodo, islo markaana aan si fiican loo daryeelayn.

Duqsiga iyo boodhka ama siigadu waa shay ku caan ah dhulka aan nadaafada ku fiicnayn ee xashiishka iyo qashinku is dhex yaalo, laakiin se waxa intaas ka darin in aad arkayso wax kaa nixinay oo dadka timirta ka ganacsadaa ay sameeyaan, waxaana ka mid ah in ay timirtii si duqsiga uga celiyaan ay isticmaalaan walxo khalad ku aha caafimaadka sida Naafttadda, ama saliid lugu masaxo timirta agteeda iyo dusheeda, waxaana lugu dubaa jaraaido aan la aqoon halka laga keeno oo laga soo dhoofiyo wadamo reergalbeed oo kiimiko iyo wax caafimaadka u wax yeelaya lugu maydho.

Hadba si sharaftii timirta losoo celiyo waxaan talo  ka dhigayaa in timirta loo xidh xidho nooc kasta oo qof iibsan karo, in lugu xidho baco nadiif ah oo ah kuwa cadcad ee nadaafad leh luguna mooriyo, oo dadka timirta iyo xalwada ka ganacsadaa ay keenaan fikir ay ku sameeyaan nooc si warshadi samayso oo kale ah, Laga daayo waxyaabaha lugu nadiifinayo ee aan fiicnayn. In qofka miisaya ama ka shaqaynayaa ay gacmaha gashadaan shay nafii ah sida bac oo kale si aan nadafadii timirta wax u yeelin, In lugu iibiyo meelaha nadaafadoodu badantahay ee kafog qashinka iyo duqsiga, In tanagyada iyo timirta furfuran lugu daboolo bac cad oo laga arki karo timirta islo  markaana nadaafadeeda lugu ilaaliyo.

Mahadsanid

Hamse Bashe Muhumed

Xamse18@gmail.com