Tiro kamidda Ilaalada Xildhibaanka ayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadheen weerarkan, kaddib markii ay iska difaaceen Kooxda weerarka soo qaaday.
Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Israac ee Degmada Xamar Jajab, meel aan ka fogayn Guriga Xildhibaanka oo halkaas ku yaalla.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahintan u sheegay inay rasaas xooggan isdhaafsadeen dableyda hubaysan iyo Ilaaladda Xildhibaanku.
Warku wuxuu intaas ku darayaa inaanay waxyeelo ka soo gaadhin xildhibaanka weerarkaas, hase ahaatee qaar ka mid ah ilaaladiisa la hubo in khasaare gaaray.
Nimanka hubaysan ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay halkaasi ka baxsadeen markiiba, iyadoo aan cid gacanta ku dhigtay aanay jirin.
Weerarkan ayaa ku beegmay iyadoo buuq badani saakay ka jiray xarunta Baarlamanka oo laga xaawilayo Mooshinka xukuumadda lagu ridayo.
Xildhibaan Dalxa ayaa ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ee aadka ugu cad-cadaa arrimaha dib u dhiska dalka