Tuesday, November 11, 2014

Somaliland: Mucaaridka oo ku kala qaybsamay Xumadda Doorashada

“Cirro waa Hasha Geella cuntee Cabaada”Saylici

“waxan filayaa in laga maarmay doorashoyinkii, mar hadday ka meeraysanayaan hay’adihii ku shaqada lahaa inay doorashada agabkeeda dhigaan..”Eng Faysal

[caption id="attachment_91372" align="alignleft" width="300"]Cirro oo soo dhaweeyay Cirro oo soo dhaweeyay[/caption]

Hargeysa(GNA)-Eedeymaha Mucaaridka iyo Xukuumaddu isku tuur-tuurayaan ee ku saabsan walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada Doorashada 2015 –ka, isla markaana ay labada dhinac qoloba qolo ku riixayso inay u gogol xaadhayso, ayaa haatan labada xisbi Mucaarid si weyn ugu kala qaybsanyihiin, kaddib markii uu Hogaamiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe si cad farta ugu fiiqay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiaraxmaan Cirro uu lugta hayo geedi-socodka howlaha qabyada ah ee Doorashada.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkan sheegay shalay mar uu ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, horena isagoo aan xukuumadda mooyaane cid kale dusha ka saarin aaminsanaa inay muddo-dhaafayso Doorashadu, ayaa u markhaati furay Madaxweyne ku-xigeenka oo isaguna shalay eedeymo tan la mid ah u jeediyay Guddoomiyaha Waddani, ahna Guddoonka Golaha Wakiillada.

Dhaliilaha Guddoomiye cirro looga soo jeedinayo dib u dhaca Doorashada, ayaa sii laba jibaarmay, kaddib markii uu furitaankii Kal-fadhiga Golaha Wakiillada ee lagu ansixin lahaa Komishanka Doorashooyinka sabab la’aan dib ugu riixay muddo afar maalmood ah oo ka soo bilaabantay 8 Bisha oo uu Goluhu fadhiyadiisa bilaabi lahaa.

Afarta maalmood ee uu furitaankii Kal-fadhiga Golaha dib ugu riixay , ayuu uga faa’idaysanayaa Olole Taageero raadis ah oo uu Gobollada Saaxil iyo Togdheer ugu ambabaxay, taasoo sida Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe isugu markhaati fureen caddeynaysa inuu dariiqa u xaadhayo dib u dhaca Doorashada.

SayliciMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo shalay ka hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo qaylo-dhaanta Mucaaridka ee isa soo taraya ayaa tilmaamay inay xukuumad ahaan ka go’antahay qabashada doorashadu, hase ahaatee xisbiyadu ay xisbiyada ku yartahay Kalsoonida qadarku.

“Mucaaradka waxaad moodaa inay xitaa Iinsha Allaa dii katageen, oo waxay odhanayaan doorashada waqtigeedi ha la qabto, iyagoon haddii Alle yidhaaba ku darin (Hadalkooda), markaa anagu hadii Alle yidhaahdo ayaanu ku darayna, hadday xaga Alle ka suurto gashona anagu diyaarbaanu u nahay''
Madaxweyne Xigeenka Somaliland, oo waxa kale oo uu sheegay “Anaga ka xukuumad ahaan wax nagu baaqi ahi ma jiraan ee dib u dhaca waxa u sabab ah Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka oo musharaxna ah oo maalintii dhoweyd Golaha xidhay markii loo geeyay arinta komishanka shalay sabtidiina Dan gaar ah ka doortay ee yidhi Wiig baan u baahanahay Berbera, Burco iyo Ceerigaabo aan isu soo maro ee fasaxa geliyay (Golaha). Isagoo xaq u leh in shir guddoonku Toddoba casho dib u dhigi karaan kalfadhiga, markaa ninka dib u dhigaya doorashada ee war-wareejinayaa waa Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla-markaana musharax Madaxweyne Ah” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Hasha Geela cunta ee cabaadda weeyaan Cabdiraxmaan (Cirro), isagaana ugu qayla badan oo waad aragtaan oo leh doorasho ayaa dib loo dhigayaa, waakan toddobada cisho imankana luminaya ee Golihii xidhay.''ayuu yidhi Saylici.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe carrabka ku adkeeyay in qabyada jirta ee ay hay’addaha Xeer-dejintu sababta u yihiin awgeed uu dib u dhac Doorasho muuqdo.

Eng. Faysal, ayaa sheegay inay ula muuqato in marka uu derso marxalada la marayo in laga maarmay Doorashooyinka. ”Waxan filayaa in laga maarmay doorashoyinkii, mar hadday ka meeraysanayaan hay’adihii ku shaqada lahaa inay doorashada agabkeeda dhigaan, oo qofna aanu doonayn inuu meeshiisa ka kaco, waxa iman doonta in talo laga gaadho oo laga tashadaa. Waxaanu ugu bushaareynaynaa cidda wakhtigeedu dhacaa in aanay fadhiyeyn, sharci daro waxa noogu filan tii Baarlamaanka oo shan sano ahay iyo ta Guurtida, haddii ay tu Madaxwayne ku darsanto, dalku wuxuu noqonayaa dal hay’adihiisa oo dhami yihiin bilaa sharci.

Markaa yaan lagu seexanin in hay’adahaa ka seexday shaqadoodii ay isku kordhiyaan
Xukuumaddu inay Xidhi Warbaahinta waanu jecelahay, waayo waa kuwii markii Siilaanyo mucaaradka ahaa nooga hiiliyey, ee (Wararkayagana) aasi jiray, kuwiisana buun-buunin jiray, cuqubadu inay idinku dhacdo (Saxaafadda) waanu jecelahay, laakiin mabda’ ahaan waanu ka soo horjeednaa (Xadhigga saxaafadda)….waxaanu leenahay Haatuf iyo Hubaal halla soo daayo, kuwa kale ee xidhanna hala soo daayo.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay natiijada ka dhalan doonta qabsoomid la’aanta Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay inay arrintaasi dhaawacayso geedi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland.

“waxaad mooddaa inaynu heeryadeennii cuneyno Guryaha xaafadda shacabka ee dawladdu leedahay ama dadka ha loo soo wada celiyo ama reer Hargeysa ayaa lehe, reer Hargeysa ha qaybsadaan, laakiin in qolanna qaadato, annaguna ka qaawanaano ma soconayso, waayo ma og-tahay inaan anigu bilaa guri ka ahay”ayuu yidhi isagoo ka hadlayay arrimaha Iibinta Guryaha Dawladda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo horena loogu xaman jiray inuu Xukuumadda kula socdo dib u dhaca Doorashadal, ayaa u muuqda inuu ku kuliyeystay eeddeymaha dib u dhigista Doorashooyinka.