Monday, November 10, 2014
Wasiirka Arimaha Guddaha Oo Fariin Adag U Diray Dad Uu Sheegay Inay Nabadda Ka Soo Horjeedan Iyo Muranka Maxjarka Berbera
“Waxa Aan U Soo Jeedinaya Bulshadda Reer Somaliland Inay Iska Jiraan Raga Ku Asqoobay Siyaasadda “Wasiir Warancadde
Wasiirka (Gobanimonews)-9-11-2014-Arimha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde,ayaa bulshadda reer Somaliland uga digay wax uu ugu yeedhay rag Siyaasadda Somaliland ku dhex asqoobay oo uu mucaaridka ugu duur xulaayey ,waxaana uu sido kale sheegay inay xukuumaddu go’aano deg deg ah ka soo saari doonto shaqaaqada ka taagan Maxjarka 3aad ee magaaladda berbera oo lagu muransan yahay.
Cali Maxamd Warancadde oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Wasaaradiisa arimaha guddaha ,ayaa Jaah wareerka iyo khilaafka Siyaasaddeed ee Somaliland ka taagan ku tilmaamay mid ay cadawga Somaliland ku soo dhex tuureen isla markaana loo baahan yahay in shacabku fiiro gaar ah ka yeeshaan arintaasi isaga oo sido kalena fariin u diray warbaahinta madaxa banaani in aanay sii deynin wararka fidmada ah ee bulshadda kala geynaaya.
Wasiirka Arimha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Waxa beryahan dambe ka baxaayey Telefeeshinadda iyo baraha Internet-ka hadalo ka fog milgaha iyo milgaha ay ku caan baxday bulshadda reer Somaliland oo salka ku haya hadalo la doonayo in lagu kala shakisiiyo bulshar reer Somaliland ee walaalaha ah,isla markaana lagu waxyeeleeyo nabada iyo degenaashaha ay ku naaloonayaan umadda reer Somaliland ee Eebe inagu maneystay arintan oo dad dano gaar ah lihi ay ku gabraaranayaan waxa hubaal ah inay ku siqiiri doonaan cid kasta oo doonay inay bulshadda dhexdeeda fadqalalo ku sameyso”
Md Warancadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo rag Dimquraadiyadda iyo nabada Somaliland ka hana qaaday ku gabraaro qaadanaya ay maleegayaan qorshayaan lagu hagar daameynaayo wada jirka nabadgelyadda iyo horumarka ka socda Somaliland si looga leexiyo umaddena tubta toosan ee la higsanaayo oo ay ka mid yihiin barwaaqada iyo gobanimadda dalku uu higsanaayo waxa Iyana hubaal ah in cadawgeenu ku mashquulsan yahay sidii loogu soo dhex tuurilahaa bulshaddeena dhexdeeda dacaayaddo dhagareysan oo la doonayo in lagu kala fogeeyo bulshadeena”
Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlayey go’aano dawladdu ka soo saari doonto muranka ka taagan Maxjarka 3aad ee magaaladda Berbera waxa uu yidhi “ Waxaa ka mid ah Arimaha la doonayo in Bulshada lagu kala qaybiyo ee Maalmahan socday,Arinta ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland.Arintan oo ka dhacday Maxjarka Berbera,waxaana si buuxda ugu haysa gacanta oo si Caddaalad iyo sinaan ah oo dhakhso ahna u dhamayn doonta hawshaas.Waxaana gacan adag lagu qaban doonaa cid kasta oo falkaasi ka qayb qaadatay,waxaa dawladda ka go’an inay gacan bir ah ku qabato,Sharcigana la hor geeyo cid kasta oo lagu tuhmo inay fadqalalo ka wado dalka”
Wasiirku waxa uu Bulshada Somaliland ayaa ugu dambeyntii uga digay wuxuu ugu yeedhay Dacaayado raqiis ah “Waxaan u soo jeedinayaa Bulshada Somaliland ee waayo araga ah inay ilaashadaan wada jirkooda iyo walaalnimadooda.waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay iska jiraan Siyaasiyiinta siyaasadda ku asqoobay ee aan kala garanayn waxyeelada iyo waxtarka”
Wasiir Warancadde waxa uu Saxaafadda kala duwan ee gudaha Somaliland uga digay inay baahiso Barnaamijyo nabada dhaawacaya ama ku salaysan Qabyaalad kana fogaadaan wax kasta oo fidmo iyo kala geynaaya umadda reer Somaliland ee walaalaha ah ee wada degan dalka.
Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland