Sunday, November 9, 2014

UCID noqon maayo sida xukuumada kulmiye..Q.4aad

badmaax-300x270Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka – UCID waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaan saxaafada madaxabanaan ee JSL munaasibada maanta oo ah maalintii saxaafada.Xisbiga UCID waxa uu si culus xukuumada kulmiye ugu baaqayaa inay si dhakhsaa suxufiyiinta xidhan xoriyadooda ugu soo celiso.

Xisbiga UCID waxa uu tirtiri doonaa guddida cadaalada ee xukuumada kulmiye madaxa uga dhigtay waaxda garsoorka.Sidoo kale waxa la bedeli doonaan dhamaan habka waaxda garsoorku u hawl gasho,xeer ilaalinta iyo baadhayaasha,waxa kor loo qaadi doonaa tayada,talaabo walbana waxa loo fulin doonaa sida dastuurka ku cad.Xisbiga UCID waxa uu meesha ka saari doonaa xeerka ciqaabta ee la qoray 1962,kuna saxeexan-yahay Madaxweynahii Somaliya Adan Cade.Waxa kale oo xisbiga UCID uu laali doonaa xeerarka ay xukuumada kulmiye ku dabartay xuuqda aasaasiga ah ee muwaadiniyiinta,magacyo gaar ahna ula baxday sida Xeerka nabadgelyada,ka nabadsugida iyo ka diiwaangelinta madaniga ah oo dhamaan ka hor imanaya dastuurka.Xisbiga UCID waxa uu dhawri doonaa oo uu tixgelin doonaa xaqa daljiraha(Muwaadinka),waxa ooda laga qaadi doonaa dhamaan maxaabiista xaqdarrada u xidhan.Xisbiga UCID waxa joojin doonaa caadada kulmiye ee muwaadiniyiinta guryaha saqdhaxe loogu dhacayo,waxaanu xisbiga UCID jihayn doonaa ciidanka RRU-da ee loogu talo galay la dagaalanka argagaxisada,waxa RRU-da laga joojin doonaa adeegsiga shacabka ee ay xukuumada kulmiye si sharci darro ah ugu adeegsato daadashada guryaha.Xisbiga UCID waxa uu kor u qaadi doonaa tayada booliska,dibna u dhici mayso askari muwaadin iska dhirbaaxa,iskana xidha,waxa la laali doonaa dhamaan dhaqanka cabudhinta iyo cabsi gelinta shacabka.Markaan ka gudbo cadaalada iyo garsoorka waxa qormadan inoogu xigi  doona siyaasada xisbiga ucid uu kula dhaqmi doono saxaafada……..

La Soco………….

Xuseen Xasan Badmaax

Human Rights Secr.

UCID

0634026100

Hargeysa/JSL