Xuskan oo sanad kasta la qabto Sagaalka Bisha November oo ku beegan maalintii uu Geeriyooday AHN ee Aabihii Saxaafadda Somaliland Marxuum Tuur-cabdi Shide, ayaa waxa soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Munaasibada ugu balaadhan ee Xuskan ayaa maanta lagu qabtay Hudheelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka, madasha wada-tashiga iyo toosinta, hogaanka sare ee Ururka SOLJA, Suxufiyiin iyo qaar ka mid ah Mulkileyaasha iyo madaxda Hay’addaha Warbaahinta ee Madaxa banana.
Sidoo kale xafladaasi waxa ka qayb galay saraakiil ka socday Hay’adaha Xuquuqal-iinsaanka iyo Ururrada kale ee Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo halkaasi ka soo jeediyay dhambaalo ay kaga soo horjeedaan sii socoshada xad-gudubyada ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo xadhiga Hay’addaha warbaahinta.
Dhamaan Masuuliyiinta iyo ashkhaasta kale ee xafladaasi ka hadlay ayaa meel adag iska wada taagay gabbood-falada lagu curyaaminayo xoriyada Saxaafadda iyo xuquuqda rayi-dhiibashada.
Halkan ka daawo: