Saturday, November 1, 2014

Tafaftirihii guud ee Horn Cable Tv Cabdilaahi-wayab “waan is-casilay”

cabdilwhiwaybaHargeysa(GNA)-Tafaftirihii Guud ee Telefishanka Caalamiga ah ee Horn CableTV Cabdilaahi Aadan Cumar Wayab, ayaa daboolka ka qaaday inuu shaqadii taftiranimo ee telefishanka iska casilay, kaddib markii sida uu sheegay wada shaqayn la’aan iyo ixtiraam daro uu kala kulmay Mulkilaha Telefishanka.

Warsaxaafaddeed uu Warbaahinta soo gaadhsiiyay, ayaa waxa uu ku sheegay  sheegay inuu Istiqaalad shaqo ka tegista iskii u go’aansaday, kaddib markii uu arkay inaanu sii wadi Karin howsha, maadaama oo lagu ixtiraami waayay shaqadii uu hayay.

Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan:“Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxan iskay u go'aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii  aan u  hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV  igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas'uuliyaddii uu ii dhiibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.

Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan  isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su'aalo Madaxa Wararkuna oo ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.

Haddaba,  anigoo ogsoon inaan ahay  qofka  kowaad ee leh masuuliyada  wax kasta oo  ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV  oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta oo ah 1da Nov,2014 go'aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable.”

Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), oo ka mid ah Waayeelka Saxaafadda Somaliland, ayaa  xilligii Xukuumaddii Rayaale madax ka ahaa Wakaallada Wararka ee Dawladda (SOLNA), halkaasoo laga bedelay markii ay xukuumadda Siilaanyo talada la wareegtay.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com