Saturday, November 1, 2014

Sacii geesaha waaweyna oo Hargeysa soo galay

Sooomaalidaa waxay ku maahmaahdaa : lo’ baa soo hadhgashay geed , lo’da waxaa ku jira sac geesa waawyn.sawirkii gawaafeLo’dii buu hirdi ku waalay ilaa ay uga dareereen geedkii. Markay cabaar ka sii maqnaayeen ayuu ka daba tegey ileyn cidla’ joogi maayee .

 

 

 

Sacaas waxaa ka dhigan nimanka ma xishoodayaasha ah amase aan u malaynayo inayba ka dhigeen ee kala garan waayey qof nacaybka iyo qaranimada oo maalin kasta aflagaadada iyo ceebo abuurka dawladda ula fadhiya warbaahinta . Ragaas waxaa ka mid ah Jamaal Cali Xuseen o o lacagtii dalka wax ku soo bartay oo halkuu dalka uga abaal gudi lahaa ,lacagta iyo aqonta uu ku faanayo dalka wax ugu qaban lahaa ku burburinaaya. Waxaa iyana la mid ah Cali gurey iyo Boobe Yuusuf oo shqoba ka dhigtay belaayo abuur. Waar Cali Gurey .Aaway Xisbigii Udub ee aad Afhayeenka u ahayd ? Ma waxaad rabtaa inaad Xisbiga Kulmiye afhayeen u noqoto oo Xisbigu sidii udub u baabao’. Taana daayo !!!!!! Boobe waxaan leeyahay,ma xilkii lagaa qaaday ayaad weli u bugtaa ? Ma dhaxal baad u heshay ? Miyaanu kursi ummadda u dhaxeeya ahayn?. Hadda ka hor maxaad mantaga aad daadinayso maalin kasta u qori weydey markii aanad xilka hayn ee hore amase aadba haysey ?
Mr.Ciro oo kuwaas la mid ah waxaan leeyahay .Mudane ma garaysid booska weyn ee aad ka fadhido iyo inaad Dawlada ka mid tahay ? Haad geed weydey ayaad yooyootinkii kula milantay ee xilka iska dhiib intaanad ku ceeboobin. Doorashada madaxtooyad iyo Baarlimaanka adigaa dib u dhigi kara . Sida muuqatana adigay arintaasi kugu cadaatay markii aad bedeshey xeerkii la isla qaatay . Intaan sharciga lagu hor keenin iska carar !!!!!!!!!
Eng.Xaashi. Maxaa kuu diiday inaad iska aamusto sida Gaboose ? Waad ka abaal dhacday Rayaale iyo Siilaayo oo boos qaali ah kuu dhiibay . Ma waxaad rabtey inay kursiga kaaga kacaan oo aad adigu madaxweyne noqoto ? hada doorashadii waan la soconaa inaad laba cod heshay . Ma waaxaad door biday inaad adiga iyo Jamaal qabyaalad (Habar Magaadle la yidhaahdo ) ku abuurtaan dhalinyarada ?Ma habar magaadle ayaa isu iman kara ? xagee baa qaadi oo shirka lagu qaban ? isku ra’yina ma noqon karaan ? iska daa Habar Magaadle e walaalaha bal ku day inaad isku ra’yi noqotaan.
Faysal Cali ,waxaan odhan lahaa adeer xisbigii waxaad ka iibisey Jamaal ee siyaasada ka naso meeli kaagama furna .
Ibraahin Dhegaweyne waxaan odhan lahaaBal ka waran wershadii sibidhka ee aad furfuratay,xagaad geysey. Maroodigu takarta ku joogta ma arkee tan ka kale dul joogta ayuu arkaa.
Odayaashaa waxan leeyahay iska daaya waxan aad walaaqaysaa oo wax iskula hadha ileyn waa la noolaanayaa oo mar la wada dhiman mayo e . . Haddii dagal inaga dhex dhaco oo dalku burburo oo dadkii waxna dhintaan waxna qaxaan,idinku ma nabad gelaysaan,mase joogi kartaan meel aan dad iyo gacal joogin ? waxay ila tahay maya ee herdidan aan sabab lahayn iska daaya . ( Aniguba ma jecli dawladda Madaxweyne Siilaayo hogaaminayo ee qorba jooga siisay shaqooyinkii koobnaa ee dalka iyadoo aan u eegin xirfadaha ay wataan iyo shaqooyinkii amase lacagtii ay bilaashka ku qaadanaayeen oo ay ka yimaadeen,markay muddo joogaan dib u noqdaan si ay u soo qaataan lacagtii u biirtay . , iqaamadiina u soo cusboonaysiiyaan . Miyaanay taasi laba eef ahayn ?) kuwii dalka joogey ee jaamicadaha ka soo baxayna shaqo waayeen naftuna ku kaliftey inay tabriibaan amase noqdaan (Night gangs) . Hase ahaatee waxaan u arkaa inay tahay Dawlada sharci ah oo la soo doortay horumar balaadhana samaysay. Miyaydaan arkayn nabadgelyada aynu haysano iyo waxa dunida ka dhacaya ? Waa in loo hogaansamo oo aan laga hor iman . Ninkii doonayaa inuu bedelo wagtigiisa ha sugo hana keeno wax oo dadka ku qancin karo oo uu cod kaga doonayo.

 

Jama Aw Abdi Muuse
Jamamuse@hotmail.com 01/11/2014