Qalinka wax lagu qoraa waxuu leeyahay ehel uu la saaxiib yahay oo uu jecely oo xiita uu ku taabo qaado markay, wax ku qorayaan waxanu u arkaa qalinku inuu wali gacanta ugu jiro dad aqoon iyo garaad hana qaad ah leh oo arragti miigan oo aad ka dheehan karto in aanu qalinku guuldaraysanin.Taasina waa marka aan lagu qorin ama loo adeegsan qoraal ay ka buuxaan turxaan iyo fikiro xanbaarsan madhooyin taban oo kala fogeeya bulsho ul iyo diirkeedayd una daran muwaadinimada, sidoo kale aan u fiicnayn dhaayaaha iyo garaadka taamka ah, in ay indhahoodu arrkaan inta qalinka gacmahooda ku jiro in xidigaha loogu shaqo tago su’aashu waa xaasha, hadaba dadka ehelka u ah qalinka waxa ay ilaaliyaan sumacada qalinka iyo sumacadooda, marnaba ku ma qoraan wax milgaha iyo maamuuska wax ka baxsan oo samayn taban oo ku yeelan kara wadanka iyo dhammaan dadka ku nool.
Haddaba haddii aynu ku cabiro si dhugmo leh qalinkaa ka cawday miyaanada arrag qoraalada qaar kala jeeda oo si xigmad daro ah oo aan loogu abo yeelan xumo iyo samo toona. Markasta waxad aragtaa qoraalo dhiilo sida oo laga soo warinayo meelo kala duwan sida dadka qaar oo aad arkayso iyagoo isku dayaya inay xiqiiqo sida cadceeda u muuqata ku qariyaan maqaal xaashi ay ku soo gudbiyaan, ama mid isku dayaya inuu ka jawaabo mawduuc aanu fahmi Karin dulucda uu xambaarsanyahay islamarkaana u arka inay dantiisu ku xidhan tahay laakiin aan fahansanay inay muujinayso karti daridiisa iyo fahamka garaadkiis.
miyaanay ahayn in la ilaaliyo milgaha uu leeyahay qalinku? Miyaanayse haboonayn in si hufanaani ku dheehan tahay inaad dareenkaaga ugu cabirto qalinka, oo ay ka muuqato dhawrsanaan iyo toosan oo kaga qayb qaadan karato toosinta bulshada isla markaana ay ka faa’idaan karaan akhristayaashu afkaarta uu xan baarsan yahay qalinkaagu oo ah mid sawiraya wax yaabo han iyo higsi leh waayo marka la dhawrayo milgaha iyo maamuuska bulsho wax ka dhasha bulsho dhawrsoon oo isku duuban taas oo horseedi karta horumar wax ku ool ah.
Marka haddaba qallinka loo adeegsado wax aanu gayin amaba wax aan ku haboonayn sharafta dadnimo, waddaninimo, iyo danta caamka ah waxa kalifayaana ay tahayba quud raadin,qabyaalad iyo wax aan ka durugsanayn, waxay sababi kartaa xumaan ku faafta bulshada waxa kale oo ay tahay nabaro damqaya quluubta qoraaga iyo qofkastoo damiirkiisu noolyahay.
Ana waxaan u soo qaatay qalinka inaan ku cabiro dareenkaga ku aadan dhibka kala haysta qoraalxume iyo qalinka
Hadaba aan marlabaad ku ugu noqdo qalinkaa cawday; wax ay ugu foolxun tahay marka aad qalinka ugu xoogsi tagto xidigaha korkooda (marka meel aan haboonaynayn risiq lagaga raadsado) oo aad halkaasi kaga soo shaqayso oo aad dhulka ku soo noqoto uu qalinku kaa cawdo waayo waxaad gaysay deegaan aanu raali ka hayn oo sidaas kaaga gar helo, hadana hoos kugu sheego su,aal aad sida fiinta uga qaylisid oo ah garaadku wax uu midho dhalaa kolka la hawlgeliyo ee karaankiisa oo dhan la fasaxo balse guud ahaan bani’aadanka in aad u yarbaa ku dhac leh sidaasina uu kaga quulaysto qalinkii aad xidigaha kaga soo shaqaysay ee aad moodaysay in uu awood yar yahay uu sidaasi kaga guulaystay isagoo baahi uqaba qoraal bilaa turxaan ah, guusha iyo guuldaradu waddo mawada maraan ee hankaga ha ku tuurin god madow.
Guntii iyo gabogabadii waxa aniga fikirkayga ila haboon in qofku marka uu wax qorayo ka fikiro dhinacyo islamarkaan uu dareemo in dad ka aqoon iyo aragtiba fiicani ay akhriyayaan waxa uu qorayo, sidoo kale sharafta inuu ilaashado.
Cabdinaasir Ismaaciil Nuur
Drnasir908@gmail.com