Dhalinyarada la qabqabtay ayaa la sheegay in laga uruuriyay waddooyinka, Meheradaha Shaaca laga cabo iyo goobaha Internet Coffe-ga laga isticmaalo, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews,u sheegeen.
Dadka la qabtay oo ay ku jiraan dhalinyaro aan Ciyaal-xaafaha rabshada sameeya ahayn, kuwaasoo qaar la qabtay iyagoo jaamacado ka soo rawaxay sida ay goob-joogeyaashu sheegeen ayaa lagu xabisay Sal-dhiga Kood-buur ee Xaafadaas ku yaalla.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo xilliga howl-galku socday halkaasi ku sugnaa ayaa sheegaya inay askarta dadka qabqabanaysay u sheegeen in amar lagu siiyay inay soo xidh-xidhaan dhamaan dhalinyarada ay ku arkaan goobaha waddooyinka ee xaafada.
Laakiinse wariyuhu wuxuu sheegay inay meheradaha iyo guryo hortooda dhalinyarada qaar ka soo qabteen, taasoo loo arkay xad-gudub ka badbadin ah oo dad aan waxba galabsan loo geysanayo.
Dhinaca kale, dad ka mid ah ehelada dhalinyarada Bilaysku xaaqay, oo sheegay inay saldhiga u booqdeen si ay carrurta laga xidhay Gogol ugu geeyaan ayaa sheegay in loo diiday inay arkaan dhalinyarada ka xidh-xidhan.
Waalidiinta ayaa loo diiday inay Gogosha u geyaan dhalinyarada ka xidhan, isla markaana lagu celiyay waxkasta oo ay u sideen marka laga yimaado cashada oo dirqi loogu ogolaaday.
Dadka xaafadda ayaa sheegay in howl-galkani ku soo beegmay laba habeen kaddib markii ay Dhalinyaro shuftooyin ahi rabshad iyo Dagaal koox-koox ah ay ka sameeyeen agagaarka Isgoyska Xero-awr ilaa Jidka If iyo Akhiro.
Hase ahaatee waayeelka xaafadu waxay ku dooddeen inaan la qabqaban oo qudha kuwii dhibaatada amni darada ah lagu eedeynayay ee Arday Jaamacado ka soo rawaxday iyo kuwo iskaga caweynayay goobaha lagu kulmo la qafaashay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Saldhiga howl-galka fuliyay oo looga hadlay ujeedada ka dambeysa, hase ahaatee dadka deegaanku waxay cadeeyeen inay howl-galka ka qayb qaadanayeen Ciidanka SPU-da ee loogu talo-galay la Dagaalanka Argagixisadu.
Gobanimonews
Hargeysa Ofice
Email: editor@gobanimonews.com