Wednesday, November 19, 2014

Shirkadda Samsung oo daaha ka rogtay Kamaradii ugu casrisaneyd dunida

project-beyond-300x210(GNA)Shirkada ugu wayn farsamaynta elegtarooniga casriga ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed Samsung, ayaa soo bandhigtay isla markaana daaha ka rogtay, kamaradii ugu casrisanayd dunida, taas oo waxyaabaha ay qabanaysaa dhaafay inta caadiga ah, ilaa xadna lagu tilmaamay mid khiyaal ah.

 

Kamaradan oo lagu magacaabo, [Project Beyond], ayaa ah mid meel kasta oo lagu jiheeyo, ka qaadaysa, muuqaalada ugu quruxda badan, gaar ahaan kuwa loogu yeero, Omni-view-ga oo ah, muuqaalada sugan ee aan dhaq dhaqaaq iyo tayo xumo midna lahayn

 

Waxa kale oo kamaradani u shaqaynaysaa habka Gear VR-ka Loo yaqaano, kaas oo koone kasta sawirka ka qaadaya, 360-ka digriina dhamaystiraya, waxa kale kamaradani qofka isticmaalaya u fududaynaysaa, isku duba ridka filimada iyo sawirada uu u qaato,oo uma baahanayo barnaamijyo kale oo uu ku qurxiyo.