Wednesday, November 19, 2014

Google oo baraha iyo macaamiisha ku xidhan ka codsatay deeq lacag ah oo lagula dagaalamo EBOLA

google--150x145(GNA)Shirkadda Google ayaa baraha internetka ee ku xiran ka codsatay in ay ka qayb qaataan tabarucaada loogu jiro u gargaaridda dadka cudurka Ebola la xanuunsanaya ee ku nool Galbeedka Afrika. Shirkadda ayaa horey uga uruurisay deeq-bixiyaasha lacag gaaraysa $2.5 Milyan, halka shirkaddu ay iyadu qudheedu bixisay $5 milyan, taasoo isu gaynteeda ah $7.5.

 

Ololahaan ay wado shirkadda wayn ee Google ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee dadaal intaasi la eg lagu bixiyo si loo helo dhaqaale wax looga qabto cudurka Ebola. CEO-ga shirkadda Google Mudane Larry Page oo isagu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay oo wax ku deeqay ayaa yiri “ Waxaan la murugaysanahay cid walba oo ay musiibadaani saamaysay”.  Google ayaa lacagta ay soo uruursa ku wareejin doonta hay’ado khayri ah oo ay kamid yihiin Dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn, Gudiga badbaadinta caalamiga ah iyo Save the children.

 

Cudurka Ebola ayaa bilooyinkii la soo dhaafay si wayn ugu faafayay dalalka geeska Afrika kaasoo galaaftay nolosha kumanaan dadweyne ah, kana dhigay waddamadaasi kuwo go’doon ah. Khubaro dhakhaatiir iyo saynisyahanno isugu jira ayaa ilaa iyo haatan ku howlan in ay cudurkaani daawo talaal ah u helaan balse sheegay in loo baahanyahay dhaqaale xoogan si loogu guulaysto in daawadaasi la soo saaro.

 

Xigasho: Health Today