Hargeysa (GNA) - Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Cali Jeeniyare ayaa ku hambalyeeyay ciidamada Booliska Somaliland talaabada ay ka qaateen idaacad si sharci darro ah uga hadli jirtay Magaaladda Hargeysa.
Badhasaabka oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi “Waxa aan ciidamada booliska ku hambalyaynayaa talaabada ay ku soo qabteen idaacad si sharci darro ah uga soo hadli jirtay Xaafado ka mid ah magaaladda Hargeysa oo ay gacanta ku soo dhigeen.
Runtii waa guul u soo hooyatay qarankan, Somaliland waxaanan leeyahay talaabo wanaagsan oo wax ku ool ah ayaad qaadeen ciidamada booliska hadii aad tihiin.
Sikastaba ahaatee hadal jeeniyare ayaa ku soo beegmaaya xili ay xukuumada siilaanyo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Idaacad ay mudo sannad ku dhaw ku jaah wareertay,iyada oo idaacada baadi goobana laga dhagaysan jiray caasimada hargaysa, oo hoostimaada maamulka jeeni yare.
mustafe Herer
Gobanimonews/Office.
hargaysa/Somaliland
-