Tuesday, November 18, 2014

Shir uu soo abaabulay wasiir Biixi Yoonis oo uu taageero ugu doonaayay Siilaanyo,oo fashilmay iyo ugaaska beesha Makaahiil Isaaq oo ku dhawaaqay inay ka baxeen kulmiye

,Codkii Xisbiga kulmiye waanu kala noqonay..... Ugaaska beesha makaahiil Isaaq,Shirkan Siilaanyo Codka loogu ururinaayo waanu ka soo horjeednaa kulmiyena cod dambe naga heli maayo hadaanu nahay beesha sacad muuse.... qaar ka mid Salaadiintii ka soo qayb gashay xafladii wasiirada Biixi yoonis iyo Samaale,,

shirka4Hargaysa(GNA).shir uu soo hindisay wasiirka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo uu ku wahelinaayay wasiirka maaliyada Somaliland, Sheekh Samaale islamarkaana taageero cod loogu raadinaayay madaxweyne Siilaanyo, iyo xisbiga kulmiye balse huwanaa shaadh ka duwan oo lagu qabtay Hotelka Guuleed ee magaalada hargaysa, ayaa fashilmay ka dib markii ay dabada u soo baxday dulucda ay wadeen labada Wasiir oo casuumada ku qoray qodo sharafeed islamarkaana lagu sheegay in wasiir maxamed biixi yoonis ku shaacindoono inuu yahay musharaxa madaxweyne ee Xisbiga kulmiye, balse markii la galay hoolka oo saxaafadu dibada ka ahayd ayaa waxa banaanka u soo ifbaxay ujeedada harimo sharafeedkana taas oo isku badashay mid laga soo agaasimay xarunta madaxtooyada somaliland, oo cod loogu baadi goobaayo madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.shirka2
ka dib markii si habacsamiya u furantay xafladaasi ayaa waxa goobta ka hadlay wasiirada arimaha dibada iyo maaliyada kuwaas oo dhamaantooda si kadisa ay uga fakatay afkooda inay cod taageero ah u raadinayaan madaxweyne Siilaanyo kana rabaan beesha ay ka soo jeedaan ee ay ku casuumeen qado sharafeedka ee Subeer AWal,iyaga oo oday dhaqameedkii iyo dhalin yaradii ka codsaday inay isla garab taagaan codkooda iyo taageeradooda Axmed Siilaanyo, islamarkaana shanta sanno ee dambe ay tartanka u taagan yahiin Sheekh Samaale iyo Biixi yoonis.
hadaba markii ay labada wasiir ku dhawaaqeen hadalkaasi shacabkii la casuumayna ay ogaadeen ujeedad ku daahsoon xaflada oo ahayd mid baadi goob loogu jiray cod uu helo Siilaanyo islamarkaana uu ka helo beesha Subeer Awal,ayaa waxay goobti isku badashay meel lagu kala yaaco oo uu hadheeyay buuq iyo sawaxan xoogan,iyada oo ay gabi ahaanba iskaga baxeen Salaadiintii la soo marin habaabiyay iyo dhalin yaradii Warqada Casuumada ee sida khaldan loogu qoray loo geeyay taaas oo sababtay in uu shirkiina ku dhamaado guul daro iyo wji gabax ay la kulmeen Wasiiradii madaxtooyadu Soo hantaaqisay.
hadaba markii dibada looga soo yaacay hoolkii ayaa waxa warbaahinta qaarkood oo ay ka mid ahayd Shabakada Gobanimonews.com la hadalay Salaadiinta iyo oday dhaqmeedka beesha Sacad muuse,ee lagu soo hantaaqiyay xaflada kuwaas oo sheegay islamarkaana dhamaantood isku raacay inuu fashilmay shirkii,iskuna badalay mid cod lumay loogu raadinaayo Siilaanyo iyo xisbiga kulmiye iyaga oo dhanka kalana cadeeyay inay qaadiceen shirkaasi waxa kas oo baxa ugu horayn Ugaaska Guud ee Beelaha Maaakiil isaaq oo isagu ka mid ahaa odayaasha la marin habaabiyay ayaa yidhi Sidan.
,shirkani wuxuu ahaa mid Siilaanyo cod loogu raadinaayo markaana waxaanu leenahay anaga kulmiye iyo xukuumadiisatoona cod dambe iyo taageero dambe naga helimaayaan mana taageerayno,
dhinaca kale Salaadiin iyo dhalinyaro iyaguna ka soo baxay shirka ayaa yidhi Sidan.
,,Nimanka siyaasiyiinta ah ee daba dhilifka u ah Madaxweyne Siilaanyo ee Codka hoyday uga raadinaaya beesha Sacad Muuse waxaanu leenahay anag Siilaanyo Cod dambe naga helimaayo kulmiyana waanu kala noqonay kalsoonidii,Shirkana Wuxuu ahaa mid lagu raadinaayo codkii uu Siilaanyo ka helay beesha ee uu Godka madaw ku riday,
dhinaca kalana waxa shirkan si xoogan uga dhex muuqday Wasiirka Warashadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur,oo isagu ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka gabiley ee aadka u taabacsan madaxmweyne Axmed Siilaanyo iyo xildhiaabno ka tirsan Golaha deegaanka Caasimada Hargaysa.
Isku soo wada xoodoo shirkana ayaa ku soo dhamaaday guul daro iyo Waji gabax ay la kulmeen labada Wasiir ee soo huwaday shaadhka beesha Subeer Awal maxamed biixi yoonis iyo C/casiis maxamed Samaale,iyada oo ay ka soo baxday waji ay xukuumada Siilaanyo in badan qarinaysa,waxase wali arin daahsoona talaabada ku xigidoonta aritan.
Mutafe Axmed( Herer).
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com
tell:0634061560