Tuesday, November 18, 2014

Safarka Madaxweynaha Ee Gobolka Hawd Maxuu Daaranyahay?

ulke(GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) iyo wafti ballaadhan oo u hoggaaminaayo, ayaa saaka safar ku tagay hoygii halganii dalka laga xoreeyay ee Baligubadle.

 

Safarka Madaxweynaha waxa ku wehelinaayay xubno kamid ah Wasiiradiisa, madaxda sare ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo sarakiil kale.

 

 

 

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Baligubadle ayaa ku soo beegay  xili ay dalka ku soo fool leeyihiin doorashooyinkii baarlamaanka iyo Madaxtooyada, sidoo kalena uu jiro muran xoogan oo ka dhex dhacay baarlamaanka Somaliland, kaas oo bulshada qaybo kamid ahi banaanbaxyo rabshada wata ka dhigeen. Geesta kale booqashada Baligubadle oo ahayd xaruntii halganka waxay xasuusin u noqon karta dadka inta ilowday wixii dalka losoo maray iyo qaybyaalada beelaha qaar la soo baxeen.