qarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna Cid walba waa u dan ee sidaa ha loola socodo, ta kale Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba arrimood oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo baasiin. waa qabiil, Waxaan aaminsanahay in Qarannimada, Qabyaaladda iyo nidaamka Dimuqraadiyaddu ay yihiin saddex nidaam oo aan sinaba isku qaban karayn, bulshada reer somaliland waxay xaq u leeyihiin inay Xukuumadda la xisaabtamaan oo ay ku dhalliilaan wixii khalad xukumadda ah, gaabis ama hagrasho ah ee ay Xukuumaddu gasho. Xukuumadda waxa ku waajib ah inay saxdo dhaliilaha iyo qaladaadka xukumadda ee loo soo jeeediyo, shacbiguna waxa ku waajiba ah in ay ka fogadaan qabyaalada , nin jecalysiga iyo eexda ragaadisay qarankan.
Guntii iyo gaba-gabadii Cadawga qudha ee qarankani uu leeyahay waa qabiil , Waxan si gaara uga codsanaya bulsho waynta reer Somaliland inaynu kala dayno qaran iyo qabiil oo aynu taageero qaranimada ,
Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac
Email: Mohamedudoode@hotmail.com
Hargeysa/Somalilan