Monday, November 3, 2014

Reer Wajaale oo shalay ka toobad keenay dayrintii Rayaale ay Dhabarka ugu jeediyeen

"Magaalada Hantida intaa leegi taalaa Gaadhi Dab-damis ah ma leh.. Labaatan Guribaa gubtay oo wax bakhtiiya la waayay.

“Gobolka Gabiley wuxuu u xidhanyahay laba qof:.Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo... “Daahir Rayaale wuxuu ahaa madaxweyne Mudakara ah oo ilaa Gabadhiisiibaa la caayay”Mudaharaadayaasha wajaale


mudaharaadeWajaale(GNA)-Shacbiga ku dhaqan Magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley, waxay maalintii shalay u ahayd mid dib u xusuusisay nabsigii ay ka galeen Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale Xiligii Loolankaa Doorashada Madaxtinimada dalka ka socday oo ay dhabarka u jeediyeen Xisbigii UDUB ee siddeeda sannadood dalka xukumayay, kaasoo nacaybkii looga muujiyay Degmadan xuduudka ku taallaa uu gaadhay heer Calankiisa loo xidho Eydii Magaalada ku noolaa.

Boqolaal ka mid ah Dadweynaha magaalada deggen, oo isugu jira Ganacsato, Waayeel, Dhalinyaro, Haween iyo Rag-ba isugu jira, ayaa Mudaharaad balaadhan isugu soo baxay Magaalada, kaddib markii ay ku dhawaad 15 guri oo isugu jira Meherado Ganacsi iyo Dhismeyaal hoy ah ay ku gubteen dab ka kacay Magaalada dhexdeeda, kaasoo loo waayay Gaadiid Dab-damis ah oo bakhtiiya.

Dabkan oo aan la ogayn waxa uu ka dhashay, balse ay dadka qaar Wargeyska yool u sheegeen inay sababtay cilad dhanka Korantada ah, ayaa ku fiday meherado iyo dhismeyaal badan, kuwaasoo sida ay goob-joogeyaashu xaqiijiyeen hanti baaxad lehi ku gubatay.

“Ilaa 12 Guri oo Meherado iyo Guryo shacbi isugu jira ayaa ku gubtay, waxaana u gurmaday shacbiga oo ku guulaystay inay bakhtiiyaan dabkaas” sidaasi waxa Wargeyska Yool u sheegay Muuse Cabdi Xasan oo ka mid ah Bulshada magaalada Wajaale. Waxaanu intaas ku daray “ Magaaladu dab damis malaha ee Gabiley ayuu nooga yimaadaa marka loo baahdo, saacad kaddib ayuu na soo gaadhay Dab-damiskii Gabiley, iyadoo la bakhtiiyay dabkii”.

“Cid wax ku noqotay ma jirto, laakiinse hanti faro badan ayaa gubatay, xaaladuna hada way degentahay, maamulka Degmaduna ilaa hada kamuu hadal” ayuu hadalkiisa raaciyay Muuse Cabdi Xasan oo Wariyeyaashu Khadka Telefoonka kula xidhiidheen gelinkii dambe ee shalay markii Mudaharaadku istaagay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Gabiley, Masuuliyiinta degmada Wajaale iyo Xukuumadda dhexe toona oo la xidhiidha in wax baadhis ah lagu sameeyay dabkan maqaadiirta ah ee khasaaruhu ka dhashay,hase ahaatee xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa warsaxaafaddeed uu xalay soo saaray oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa fariin tacsi ah loogu diray dadkii ay waxyeellada dhaqaale ka soo gaadhay dabkan.

War-saxaafaddeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Waddani, waxa uu sida oo kale uu ugu baaqaya dhamaanba shacabka reer Somaliland inay ka qayb qaataan sidii dadka khasaaruhu gaadhay wax loogu tari lahaa, “Xukuumada waxaanu soo jeedinaynaa inay dabagal dag deg ah ku samayso dadka ganacsada reer Wajaale lacagta ka ururiyey ee ku yidhi Dab damis ayaanu soo iibinaynaa meesha ay lacagtii geeyeen oo lala xisaab tamo.”ayuu Guddoomiyaha Waddani war-saxaafadeedkiisa ku sheegay.

Mudaharaadayaasha

Hadaba, markii la bakhtiiyay dabkan, ayaa Dadweynihiiu soo gurmaday iyo kuwo kale oo gadaal kaga soo biiray mudaharaad balaadhan isugu soo baxeen Badhtamaha Magaalada, halkaasoo ay socod ku mareen waddooyinka, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Dawladda, siiba Maamulka Degmada iyo Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen inay ku hungoobeen hiilkii ay la garab-taagnaayeen xilligii uu Mucaaridka ahaa.

Mudaharadayaasha ayaa dareen-celinta dhacdadan qoyanayd ku ladhay maamul-xumo iyo adeeg la’aan baahsan degmada ka taagan, taasoo ay ku eedeeyeeen inay masuul ka tahay Dawladdu, iyagoo ku dooday inaanay haba-yaraatee wax dab-damis ah lahayn magaaladan xudunta u ah Ganacsiga dalka oo ay Cashuur badan dawladdu ka qaado, adeegyada kale ee aasaasiga ahina liitaan.

“waxaa maanta (shalay) Magaalada ka dhacay waxa ka masuul ah Maamulka Magaalada, boqol Mudarahaad ayaa dhacay, kun jeerbaa gubasho timi, maalin qudha iyagoo jooga may dhicin, dhicin,waxna kamay qaban, markaa ma marka Meheradaha Cashuurta laga qaadanayo ee la xidhayo, ayaa maamul la yahay?”sidaasi waxa ku tiraabay mid ka mid ah waxgaradka Magaalada oo mudaharaadka ka qayb qaadanayay.

Waxaanu intaasi ku daray Ninkan oo aan magaciisa warbaahinta ka sheegini “horta Gobolka Gabiley wuxuu u xidhanyahay laba qof:.. waa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Inna-xaaji Gaydh, maamulkan waa la bedeli lahaa sida sharciga dawladnimadu dhigayo. Laakiinse Kuwani shanta sanno ee kulmiye waddanka haystaba way taaganyihiin. Dab-damis ma leh, lacagta waa la gurtaa wax lagu qabtaana ma jirto.”

Ninkan waayeelka ah ee la socday dibad-baxayaasha reer Wajaale ayaa dawladda kula garnaqsaday sidii ay ugu tabceen taageeradooda Xisbiga kulmiye markii uu madaxtinimada doonayay iyo sida loogu lisay. waxaanu xusuusiyay dharaar ka mid ah Xilligii Ololihii Doorashada oo ay dadweynaha reer wajaale Ey u xidheen Astaantii Xisbigii UDUB.

“Dawladda waxaanu u sheegaynaa Ragii Ayda u xidhay calankii UDUB ayaanu ahayn. Inta laga hadlayo calanka Kulmiye ee Kabaha lagu masaxay, maalin kasta waxay halkan kaga khudbadeeyaan Dawladdu reer Wajaale waa kuwii halgamay, waakuwii edeyda u xidhay Calanka udub, maxaa ka uray”- “Daahir Rayaale walaahi wuxuu ahaa madaxweyne Mudakara ayuu ahaa. Madaxbuu ahaa . Gabadhiisaa la caayay!” ayuu yidhi.

Nin kale oo ka mida ah dadkii Warbaahinta la hadlay intii Mudaharaadku socday, ayaa yidhi “ Umadda beenbaa loo sheegayaa, wax loo qabanayaa ma jiro ee Illaahay ha noo keeno madaxweyne kale oo kan dhaama”.

Wiil Dhalinyaro ah oo isna dibaxeyaasha ka mid ahaa, ayaa yidhi “iyadoo ay garoomadii aanu kubbada ku ciyaaraynay nalaga degay oo aan meel banaani jirin, maantana luuq-meerihii yaraa ee aanu seexanaynay ayaa dab naga qabsaday, Carruurihii ayaanu kala soo dhex baxnay wax allaale wixii kalena way gubteen. Xukuumadda Siilaanyo waxaan leeyahay maamulkan degmada halaga bedelo ..“

“Maanta magaalada Masiibo ayaa ka dhacday, labaatan Guri ayaa gubtay, wax dab-damis ah oo u soo gurmaday ma jiro, waa Masiibo magaalada Hantida intaas leegi taalo ee aan dab-damiska lahayn”ayuu yidhi dibad-baxe kale oo aad uga cadhaysnaa dhacdada gubashada.

“Dab-damiska Gabiley nooga yimaadaa wax alaale wuxuu noo qaban karaa ma jiro, iyadoo hantidayadii oo dhami gubatay ayuu na soo gaadhayaa”ayay tidhi Haweenay ka mid ah dibad-baxeyaasha oo warbaahinta la hadashay.

Geesta kale, dhacdadan dabka ka dhalatay, ayaa noqonaysa tii labaad ee todobaadkan ka dhacday Magaalooyinka Gobollka, waxaana sabtidii la soo dhaafay sidan oo kale caweysnimadii uu dab uga kacay kaalin Shidaal oo ku taalla badhtamaha Magaalada, taasoo waxyeelo hantiyeed oo faro badani ka dhalatay.

Dhacdooyinka Gubashada ah iyo mudaharaadka Wajaale ka dhacay ee looga soo horjeedo dayaca dawladda ee shacbiga gobolkaas, ayaa ku biiraya waji-gabaxyada Xukuumadda iyo Xisbigeedu ay kala kulmeen Khamiistii la soo dhaafay Ololihii ay Magaalada Gabiley ka bilaabeen.

Ollolahaas oo ay xukuumaddu ka daba-rartay dhoolatsuyadii ay Xisbiyada Mucaaridku ka sameeyeen Gobolka usbuucyadii ina dhaafay, ayaa waxa god madow ku riday diidmadii ay dhalinyarada reer gabiley kala hor-yimaadeen Xafladii Maamulka Gobolku qabanqaabiyey ee Shaqaalaha dawladda laga buuxiyay, kaddib markii ay Ardayda Dugsiyada iyo da’yartii kale ee la doonayay in lagu sawiraa dhabarka u jeediyeen, isla markaana Calanka Xisbiga ku gubeen afaafka hore ee Hudheelkii ay Munaasibadu ka dhacday, qaarna kabaha iyo Baabuurta ku masaxeen calankaas.

Si kastaba ha ahaatee Maqaadiirta Amarka alle ka sekow, Maamul-xumada gobolka iyo degmada jirtaa keentay Khasaaraha baaxada leh ee Shacbiga reer Wajaale shalay gaadhay iyo dhambaalada iska soo daba dhacaya ee ay ka mid yihiin Kicinta dadweynaha magaalada gabiely, Xadhiga Suxufiyiinta xidhan iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee socdaa waxay ka mid yihiin hagar-daamooyinka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu dib uga bilaabeen, iyadoo ay dhitooyinkii hore ee uu dhigtay u yaalaan. Waxaase muuqata inay arrimaha bilowgii ay islahayd wax ku hagaajiso ay docwareen siyaasaddeed ku keeneen.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com