Tuesday, November 18, 2014

Maayir Muraad oo lagu soo dhaweeyay Burco

S6490001Burco(GNA)Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(M.Muraad) oo mudo bil iyo dheeraad ah safar shaqo ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa Maanta si rasmi ah ugu soo Guryo noqday Magaalada Burco.

Maayarka ayaa Maanta laga soo galbiyay Magaalada Qoyta waxaana soo dhawayntiisa ka qayb galay Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco,Madax dhaqameed iyo dadwayne tiro badan oo reer Burco ah.
waxaana maayarka lagu soo Wareejiyay Daafaha Magaalada Burco isagoo ugu danbayantiina xafiiskiisa ugu Mahadnaqay dadwaynihii soo dhaweeyay sidoo kalena ka waramay waxyaabihii usoo qabsoomay intii u safaka ku maqnaa.

Waxaanu yidhi ''Aad baan ugu mahadnaqayaa siday reer Burco iisoo dhaweeyeen,waxaan dalka ka maqnaa mudo Bil iyo dheeraad ah,waxaanu la kulanay Golah degaanka Degmada TURKU ee Finland iyo Badhsaabka Gobolkaas waanan la shiray,Maayarka magaaladaasi horuu inoogu yimi, waxay nagu yidhaahdeen maxaanu idiin qabanaa,anana wixii baahideenu ahayd baanu u sheegnay,waxaanu nidhi waxaa noogu daran waxyaabaha qalabka nadaafada iyo agabka wadooyinka aynu ku samayn lahayn ,waanu qoray oo qoraal baanu ugu gudbinay,waana nalaka aqbalay Bil ka bacdi sanadka cusub wixii ay noo balan qaadeen oo  waynu ka helaynaa,Maayarku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ydhi''Markii siminaarkii finland  noo dhamaaday waan ka tagay  dalka Finland  waxaanan tegay oo laygu casuumay dalka Norway Magaalada Oslo ee magaala madaxda ah,dadkii aan ku arkay waxay ahaayeen dad dalka u heelan qaar ka mid ahina way inoo iman doonaan iyagoo u socda qashinkaan inaga aynu la tacaalayno inay u bedelaan Enargy iyo baawar waxaanay ku bilaabi doonaan Magaalada Burco iyo Hargaysa Waayo waxaanu tagnay oo nala soo tusay Qashinkan aynu khatiyaan ka ka taaganahay oo Energy laga sameeyay oo labada Dal ee Finland iyo Swedan ay kala Ganacsanayaan oo kala iibsanayaan.waxyaabo badan baanu soo aragnay wax ka mid ah wixii aanu soo aragnay wax ka mid ah insha allah waanu soobandhigaynaa waan ka fulin doonaa magaalada''ayuuMaayrku hadlkiisa kusoo afmeeray.
Waxaa iyana soo dhawyntaas Maayarka ka hadlay iyana Maayarkii Hore ee Degmada Burco Maxed Diiriye Xayd,Xildhibaano,iyo Xubno kale oo dhamaantood ku hambalyeeyay safarka uu maayarku ku maqnaa.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com