Arrintan waxay ahayd mid u gaara saxaafada qaarkood, Abiib tima cad, waar saxaafaday ku koobnayd dheh... xil. C/laahi balack,
Hargaysa(GNA).wasiirka wasaarada warshada somaliland Abiib diiriye Nuur ayaa dhacdadii ka dhacday gobalka Gabilay ee lagu gubay Calanka xisbiga kulmiye kaas oo ay shacabka reer gabilay dab sudheen halka qaarana ay kabaha iskaga masaxeen,waxay uu ku tilmaamay mid la soo qorsheeyay oo ay saxaafada qaar ka dambeeyeen isaga oo dadkii gubayna ku tilmaamay kuwo aan reer gabilay ahayn, mr.Abiib tima cad oo maanta ka hadlaayay shir muquurisa oo ay madaxtooyada soo qaban qaabisay kaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mida golaha wasiiradu kaga jawaabaayeen dhacdadaasi iyo dhaliilaha mucaaridku u jeediyeen xukuumada Siilaanyo,
ABiib tima cad oo hadalka si hoose uu u hoos dhigay xildhibaan c/laaahi balack ayaa yidh,
,arintasi waxay ahayn mid laga been abuuray shir xisbiga la doonaayay in boodhka laga tumo oo uu qaato doorkii uu ku lahaa dalka waxaana ay ku koobanayd saxaafada qaarkood maaha dhamaantood,
sikasataba ahaatee hadalkana wasiir tima cad ayaa ahaa mid aanu ka fiirsan oo loo qariyay kaas oo uu xildhibaan balaak u dhigay balse aanu ka fiirsan wasiirku wakhti uu wajigiisu ahaa mid didsan oo laga dareemaayay cadho xoogan oo ka dhalatay kacdoonka gabilay ee lagu diidan yahay xisbiga kulmiye iyo xukuumada siilaanyo ee wakhtigan.
mustafe herer
Gobanimonews.com.office
hargaysa/somaliland.
Herersax@gmail.com