Monday, November 3, 2014
Isa Seegnay Inaguye Ubadka Aan Isa Siino
Ibraahim wuxuu ahaa wiil ku nool meel tuulo ah , waqtigu wuxuu ahaa mid gu ah.oo dhulka baadka ka baxay dhammaan wuxuu ahaa mid cagaaran oo qurux badan.
Waxay ahayd goor casar gab ah oo cadceeda casar cidhifka la gashay godkeedii, muuqaalka cirku waxa ahaa midaan daruuro badan lahayn, dhagaha waxa ku soo dhacayay waxy ahayd codadka shimbiraha eek ala duwan iyo foodhida raha.
Waa xilli dhiiluhu caano ceegaagn oo dhay iyo may-dhanaanba ka buuxaan, xooluhuna dharag ay la jiifaan oo mid walba meeshii ku beegnayd baadka markay ka haagtay ee ay dhamayn kari wayday fadhiga miciinsatay.
Laydha qaboow ee dhacaysa waxa ku laman saxnsaxo udgoon oo xareed ka urayso, Ibraahim wuxuu leeyahay Geel boqol ku dhawdhaw laakiin waa doob hase ahaatee umuu jeesan xagaas iyo Dumarka oo Hasawe iyo guurtoona iskuma hawlin.
Geelii uu watay ee uu daaq keenay ayaa kala halaabay, waxaana uu xilligaas ahaa mid baadidoon ah oo geela baadi goobaya, isaga oo socodkii ku guda jira ayuu la kulmay gabadh gashaanti ah oo Illaahay ku manaystay qurux iyo joogba, oo xayn Adhi ah caraabinaysa wuu salaamay in kasta oo aanu u aftahan ku ahayn xaga dumarka hadana Rag dammar iyo dacaritoona kama dhamaatee wuxuu ku ashqaraaray qoftan quruxda Illaahay ku maystay ee jidh iyo joogba dhamaystiran.
Falaadh caashaq ayaa dhanka bidix kaga dhacday oo dareen galisay, salaam ka dib waa lays waraystay iyada oo geed dhabarkii ka soo jeedisay qoorteeda kana muuqdo dareen xishood oo xoogani.
Is waraysi ka dib in muddo ah ayaa la haasaaway waana lakala tilmaan qaatay deetana waa lakala caraabay gabadhu magaceeda waxay ugu sheegtay Isra, waxay u kacday xagii ay markii horeba ku jeeday oo ahayd Gurigooda iyada oo xayntii adhiga ahaydna dabada ka gashay caraabisayna.
Ibraahim laftigiisu wuxuu ahaa baadidoon oo socodkiisii ayuu halkii ka sii watay isagoo ku talamaya inuu u kaco hawl guul maadaama uu leeyahay xoolo ku filan, helayna qof qancisay.
Wuxuu soo helay Geelii oo uu xerada ku soo hubsaday , isla habeenkiiba wuxuu yimid aroos ka dhacayay isra xaafadooda meel ku dhaw, markuu soo galay goobtii arooska ayuu indhaha ku dhuftay isra oo meel ku beegan halka uu fadhiyo kuduuda oo soo eegaysa, goor uu kacayba wuu garan waayay oo uu la fadhiistay.
Ciyaar dhaqameedyadii ka socday arooska ayay wada ciyaareen oo ay laba rogeen caways wanaagsana way soo wada qaateen, markuu Arooskii soo gunaanadmay ayuu isra xaafadoodii geeyey oo uu u kexeeyey, markay xaafada duleedkeeda joogaan ayuu u sheegay inuu rabo guur oo uu u diyaar yahay
Way ka qabashay deetana way iska hotaya habeenkaas farxad ayuu seexan kari waayay iyada laftigeeduna way la qabtay.
Barrigii hore inanka iyo inantu markay guur u kacaan dhankiisa ee ay is calmadaan intaanay hawsha guurka galin ayuu midba midka kale soo ogaan jiray qoyska iyo reerka uu ka soo jeedo
Siday caadadu ahayd midba midkii kale ayuu soo ogaaday reerkoodi iyo qoyskoodii oo uu ka soo xog helay.
Ibraahim iyo Isra waxa soo waajahday carqalad adag oo hawlbowlaha goysay heshiiskoodii guur, taas oo ah inay labada Reerood ee ay ka soo kala jeedaan yihiin laba reer oo col ah oo godobi dhex taalo oo intaanay dhalan labadooduba ayuu dagaal qadhaadh dhex maray labdooda reerood oo naf iyo maalba lagu waayay laakiin aanay iyagu ka war qabin oo aanay maqal xiitaa maadama waqti fog ahayd.
Xaajadu iyadoo sidaas ah hadana Ibraahim wuxuu ku calool adaygay inuu doono gabadha oo way ka go’onayd arintaasi waxaana uu kaxaystay odayaashiisii waanan uu u soo geed fadhiistay nasiib darro se waxa uu kala kulmay diidmo oo inantii lama soo siin.
Isri way jeclayd wayna rabtay Ibraahim isaguna sidoo kale laakiin Reerahooda aya laf dhuun gashay ku noqday guurkoodii iyo jacaylkoodiina saqiiriyay bartiina way ku kala dhaqaaeen iyaga oo isku calool fayow.
Gabadhii Reerkoodii markiiba waxay siiyeen inan ay xigaal ahayeen si dagdag ahna waa loogu guuriyey Ibraahim laftigiisuna waxa uu helay oo calafku ku simay gabadh kale.
Maalin maalmaha ka mid ah oo ay carruurtoodii waawaynaadeen iyaguna da’a noqdeen ayay ku kulmeen meel dariiq ah wayna is waraysteen iskuna xaal warameen waxaana uu Ibraahim u sheegay inuu dhalay carruur badan oo uu ugu waynyahay Wiil imika 20 jir ahi iyaduna waxay sheegtay inay leedahay dhawr carruur ah oo ay ugu wayntahay iyana gabadh 20 jir ahi way ogaayeen inuu calaf ka adeegay wayna aamineen qadarka deetana Isra ayaa la soo booday hadal layaab leh oo tidhi “ Waar isa seegnay inaguye Ubadka aan isa siino”
Muddo todobaado ah ayaa lagu guda jiray xafladii meherka waana laysku meheriyay deetana aroos qurux badan ayaa loo dhisay.
Labadii ubad ahaa ee laysku dhisay waxay noqdeen qaar jacayl rabaani ahi ugu darsamay calafkii ay isku heleen iyo kalgacaylkii waalidiintood u soo beeran oo ay u aayeen.