Saturday, November 8, 2014

Madaxtooyada iyo Guurtida Somaliland oo Uur daban iyo Af daacad ah ku xasiliyay Xujjooyinka dib u dhaca Doorashada

Weftiga Qaadhaan-bixiyeyaasha oo kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Xukuumadda iyo Shir-guddoonka labada Golle iyo nuxurka qodobo aan Warbaahinta loo bandhigin oo ay dhinac walba gaar ugala hadleen

Saleebaan-gaal oo dhexdhexaadin laga eedaamay Xukuumadda kaga khafiifinaya culayska ka haysta arrimaha Doorashooyinka Xeerka ku lifaaqan..

siilaanyo iyo cirroHargeysa(GNA)-Todobaadkan aynu ka soo gudbay waxa Magaalada Hargeysa booqasho ku yimi Wufuud Miisaan leh oo ka socda Dalalka Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, Dimuquraadiyada iyo Horumarka aasaasiga ah.

Wufuuddan oo u badan Safiirro ka socda dalalka laysku yidhaahdo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ama (Steering Comments) , oo Midowga Yurub iyo Maraykanku ugu tun-weynyihiin, kuwaasoo afartii maalmood ee ugu dambeeyay usbuuca qaarba maalin yimaadeen, ayaa kulamo la qaatay Hogaamiyeyaasha Goleyaasha Qaranka iyo Madaxda Asxaabta qaarkood.

Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee ay Wufuudda reer Galbeedku u socdaan,ayaa ahayd inay dhinacyada siyaasada kala xaajoodaan dar-dar gelinta howlaha Doorashooyinka ee lagu wado inay badhtamaha sanadka 2015-ka ka qabsoomaan dalka iyo xalinta Khilaafka Dastuuriga ah ee todobaadyadii u dambeeyay soo kala dhex galay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Inkasta oo laga helay warar kor ka xaadis ah Kulamadii ay weftigan Qaadhaan-bixiyeyaashu la yeesheen Madaxda Goleyaasha Qaranka ee Fulinta iyo labada aqal ee Xeer-dejinta, hadana sida aanu ku helnay daba-gal dheeraad ah oo aanu ugu dhabo-galnay waxyaabaha sida rasmiga ah ay ugala hadleen labada Guddoomiye Baarlaman iyo Xukuumadda oo Shirar gooni-gooni ah ay la qaateen Salaasadii iyo Arbacadii ina dhaafay, waxa ay saddexda dhinacba ka waraysteen qaabka ugu fudud ee looga gudbi karo caqabadaha horyaalla Doorashada, si aan muddo dhaaf u dhicin.

Sida ay Wargeyska Yool u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo lagu Kalsoonyahay oo u dhuun-daloola Kulamadii dhex maray qayb ka mid ah weftigan iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ay labada dhinac kaga wada arrinsadeen mowqofka ay Golaha Guurtidu ka taaganyihiin Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga iyo codbixiyeyaasha ee uu hanaanka laysku khilaafsanyahay ugu celiyeen Golaha wakiillada.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa la sheegay inuu weftiga u balanqaaday in Golihiisu sida ugu dhakhsaha badan waajibkooda uga gudan doonaan xeerkaas. Waxaanay ilo-wareedyadu intaas ku dareen in Saleebaan-gaal qaadhaan-bixiyeyaasha u balanqaaday inuu todobaadka soo socda fadhiisiin doono Golaha si loo ansixiyo xeerka muranku ka dhashay ku celintiisa Wakiillada.

Dhinaca kale, waxa ay weftiga qaadhaan-bixiyeyaashu aqalka madaxtooyada kula kulmeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo ay si gaar ah ugala hadleen isla-arrinta ku saabsan Doorashada, qaylo-dhaanta xisbiyada Mucaaridka ee ku eedeynaya inay maleegayso xaaladdo khasbi kara wakhti dherersi. Kulankaasoo dhacay wakhti aan ka fogayn kulan-casheed ay habeenkii Arbacadu soo gelaysay la qaateen Madaxweynaha iyo Golihiisa Xukuumadda.

Wasiirrada la kulmay Weftiga Beesha Caalamka oo sida la xusay ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirul-khaariga Maxamed Biixi Yoonis, ayaa la tilmaamay inay dib u dhac ku yimaada Doorashada iyo dhawaaqyada lidiga ku ah ee loo jeedinayo, ay iskaga riixeen dhinaca Goleyaasha Sharci dejinta, oo ay farta ku fiiqeen inay ka cago jiidayaan qabyo-tirka howlaha sharci ee doorashada laf-dhabarta u ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin ansixinta Xeerka Diwaan-gelinta Cobixiyeyaasha iyo Muwaadinka, Komishanka Doorashooyinka ee cusub iyo Miisaaniyada Qaranka oo uu ku jiro Kharashka ay dawlad ahaan ugu talo-galeen in Doorashada lagu qabto.

Warku wuxuu intaasi ku daray inay Wasiirrada Xukuumaddu ku dooddeen dhankooda inay diyaar u yihiin in Doorashada wakhtigeeda la qabto, waxayse dib u dhac kasta oo yimaada ku riixeen goleyaasha Baarlamanka. Taasoo ay kaga mowqif duwanyihiin Asxaabta mucaaridka ah iyo Golaha Baarlamanka qayb ka mid ah.

Geesta kale, kulan ay arbacadii wada yeesheen weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka sekow intii warbaahinta uu kaga warbixiyay guddoomiye Cirro, waxa ay xuuraanka iyo xog-raadista Wargeyska Yool, intaasi ku soo kordhiyeen in toos laysula jeex-jeexay laba qodob oo muhiim ah, kuwaasoo ay diblomaasiyiintu ka waraysteen cirro.

Xubnaha Weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa la sheegay inay Guddoomiyaha Wakiillada ka war-sadeen rejada uu ka qabo inuu isku soo dhaweeyo Golihiisa kala qaybsan wakhti ka horeeya muddada ay fasaxa ka soo laabanayaan oo ku beegan 8/11/2014, iyo inuu hayo dariiq uu isugu keeni karo aqlabiyada Golahaas si ay u ansixiyaan Guddida Doorashooyinka ee dhawaan la magacaabay iyo mashaariicda kale ee howlaha doorashada ragaadin kara.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa la xusay, inuu qodobadan yihdidiilo uga muujiyay Kooxda Qaadhaan-bixiyeyaasha, isagoo tilmaamay inuu boqolkiiba siteedan (80%) uu ku kalsoonyahay inay dhexdooda ka xalistaan Khilaafka u dhexeeya Mudaneyaasha, markaasi kadibna howlaha u yaalla ay dhamaystirayaan fadhiyada ugu horeeya Kal-fadhigooda fasaxa kaddib.

Marka laysku soo miin-guuriyo, aragtiyaha ay daneeyayaasha Beesha caalamku kala kulmeen dhinacyada manjaraha u haya Siyaasadda waddanka ee udub dhexaadka u ah geedi-socodka Haykalka dawladnimo, siiba Hay’adaha xeer-dejinta iyo fulinta, waxa muuqda isku soo dhawaanshiyo aan wali ficil loo bedelin, hase ahaatee iftiiminaya in halka la taaganyahay hore looga dhaqaaqi karo, si loo waajaho shaqo culus oo dalka lagaga hir-gelinayo Diwaan-gelinnaha daruuriga u ah qabsoomida doorasho Xor iyo Xalaala.

Geesta kalese, waxa laysla dhex marayaa inuu jira qasti siyaasaddeed kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wali ku goodiyayo, kaasoo sida muuqata uu doonayo inuu ku xasiliyo qorshe uu xukuumadda kaga khafiifinayo cadaadiska saaran ee ku salaysan inaanay Doorashadu muddo dhaafin, ama ugu yaraan ay ku doonayso in la kala qaado labada Doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada oo ay israacintooda isku raacsanyihiin Xisbiyada Mucaaridka ah iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku.

Ilo-wareedyo aan ka fogayn kulamada uu la qaatay Weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa Wargeyska Yool u sheegay in Guddoomiye Saleebaan ka shaqaynayey maalmahan u dambeeyay ergayn uu ku suba-salaaxayo ismaan-dhaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada , garabka Mucaaridka lagu tiriyo iyo Xildhibaanada Muxaafidka ee Madaxtooyada laga soo shidaaliyo.

Dhex-dhexaadinta Saleebaan-gaal waxa lagu tilmaamay mid uu uga gol-leeyahay in waxyaabaha ay xukuumaddu diidantahay Xisbiyada Mucaaridka ah lagu liqsiiyo qaab-maslaxaddeed oo ay xakamaha kaga dabcinayaan culayska ka haysta arrimaha doorashooyinka.

Wufuudda Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha Caalamka ka socda oo marka laga yimaado arrimaha doorashada, aanay ka madhnayn imaanshiyahooda ajandeyaal kale oo la xidhiidha xagga horumarinta, dhiiri-gelinta nabad-gelyada iyo Geedi-socodka wadahadalada ka dhexeeya Dalka Soomaaliya, waxa xubno ka ah Dawladdaha Netherland, Ingiriiska iyo Denmark oo si weyn u daneeyadegenaashiyaha Somaliland iyo inay iskaashi dhex mara Mustaqbalka.

Waxa kale oo isna shalay dalka soo gaadhay Safiirka Faransiiska ee Soomaaliya iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi, kaasoo isna arrimo ku saabsan dhanka dhaqaalaha iyo iskaashiga kala hadlay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com