Saturday, November 8, 2014

Galbeedka Togdheer oo ka soo horjeestay Aasaaska Ciidanka Ilaalada Shidaalka

Hargeysa(GNA)-Mid ka mid ah Beelaha Gobolka Togdheer ayaa si adag u naqdiyey qaabka loo maray heshiis Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gashay Shirkad la sheegay inay tabobarayso Ciidamada ilaalin doona Shirkadaha Shidaalka iyo Seeraha Banka Aroori ee Magaalada Burco.

Baaq qoraal ah oo laga soo saaray gunnaanadkii arrimahaa lagaga arrinsanayey oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska mareegta GNA, waxa uu u dhignaa sidan; “Qurba-jooga Beesha Reer Xuseen ee ku kala nool daafaha caalamaka ayaa Maalintii Sabtida oo Bishu ahayd 1/11/2014 waxa ay isugu yimaadeen Shirweyne ay ka soo qayb galeen aqoon yahano siyaasiyiin odayaal dhalinyaro haween. Shirkaasoo aad loogaga wada hadlay xaaldda dalku marayo iyo arimo gaar beeshan iyo degaankeeda u khuseeya oo ay ka mid yihiin; arimaha Shidaal Baadhista iyo Ciidamada la yidhi Shirkad ayaa tabobaraysa oo shirkadaha shidaalka ayay ilaalinayaan, Seeraha AROORI Shirkaas waxa beeshu ka soo saartay baaq ay kaga soo horjeedo in Dawladu ay shirkado ajaanib ah oo ciidamo u gaar ah watta ay dalka soo geliso oo tidhaa shidaal ka baadha iyadoo aanu jirin ama la samayn Xeerkii Shidaal baadhista.

Waxaanu ognahay in shirkadahan iyo heshiisyada Wasiirka Macdantu la galay aan waxba laga ogayn oo wasiirku diiday in heshiisyada uu shirkadaha shidaalka la galay uu u gudbiyo baarlamaanka. Mar hadii aanu heshiisku heshiis sharci ah oo baarlamaanku ansixiyay ahayn waxaanu u aragnaa in ashkhaas iyo shirkado is wataa aany xaq u lahayn in ay baadhaan shidaalka iyo khayraadka dalka.

Arintan oo hore khilaaf weyni uga dhacay, waxaanu u aragnaa in aan qaabkii sharci darada ahaa ee wax loo waday waxba laga bedelin laakiin waxa soo kordhay uu yahay uun ciidan la rabo in lagu muquuniyo dadka shacabka ah ee degan dhulkan la leeyahay shidaal ayaa laga baadhayaa.

Sidaas Darteed;-


  1. Waxaanu ka soo horjeednaa qaabka ay Xukuumaddu u waddo Shidaal badhista ee aan sharciga ahayn.

  2. Waxaanu ka soo horjeednaa ciidamada loo qoranayo in lagu muquuniyo dadka shacabka ee degan dhulka la rabo in si sharci daro ah khayraad kooda loo baadho.anaga oo aan khayraadka dalka reer Somaliland ka lahayn dadka degaanka nala degana aan waxba ka lahayn waxaanu diidanahay waxaan dadka degaanka lagala tashan oo dad gaari wataan in dusha lagaga keeno.

  3. Waxaanu ka soo Horjeednaa seeraha ay xukuumaddu rabto in loo xidho dad gaara dhulka loo yaqaan AROORI oo ay noo daaqaan boqolaal kun oo xoolo ah oo aanay xukuumaddu meesha la gaynayo dadka iyo duunyada ku nool marka dhulkooda la seerto aanay wali sheegin.

  4. Waxaanu diidanahay in dadka reer Somaliland layska horkeeno oo nabad gelyo daro iyo colaad la dhex-dhigo

  5. Waxaanu ugu baaqaynaa Bulshada reer Somaliland in ay nagu taageeraan iska caabinta dulmigan oo aanaan sinaba ku aqbali doonin



Ugu dambayn waxaanu xukuumada somaliland u shegaynaa ugana digaynaa in ay iyadu dusha ku qaadan doonto wixii cawaaqib xumo ah ee kadhasha arimaha aanu kor ku xusanay.

Dhinaca Xildhibaan Ibraahin Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Degmada Oodwyane ayaa si toos ah ugu gacan-saydhay in Ciidamada loo tababarayo shidaal baadhista dalka ee uu dhawaan ansixiyay Madaxwayane Axmed Siilaanyo aanay ka hawlgali karin Degaanka Oodwayne,maadaama buu yidhi aan hore looga hawl galin degaanadii hore shidaalka looga baadhay,Xildibaanka oo kadka telefoonka nagala soo xidhiidhay ayaa sheegay inaanay shidaal baadhista diidanayn laakiin aanay aqbalayn in ciidamo la keeno,waxaanu yidhi''Waxaan doonayaa inaan lka hadlo Ciidamadan Cusub ee loo qorayo shidaal baadhista, shidaalka waanu ogolahay in la baadho laakiin waxanu doonaynaa in ay manaafacaad sadaan dadka degaanka ilaalahay ku beeray ee aan dusha lagaga keenin dad kale oo magacyo leh,waxaan kasoo hor jeednaa dadka kale ee la doonayo inay ka faa'iidaystaan waxa dhulka noogu aasan”, Xildhibaanka oo hadalkiisii sii wada waxa uu ydhi; “waxaan leeyahay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Ciidamadan la qorayo iyagaa dhibato abuuraya ee halkani maaha halkii looga baahnaa ee xadka hala geeyo, degaankan hadii aanu nahay Somaliland baanu la xeer nahay meelihii la baadhay baanu la xeer nahay, xeerkan danbe midaanu aqbalayno maaha,,waanan kasoo hor jeednaa Horaa caynaba iyo aageeda looga baadhayay kaasuu gobolka  daad madheedh la mid yahay”.