Khilaafkaasoo sababay dib u dhac ku yimi furitaankii kal-fadhiga 26 ee golaha Wakiillada, ayaa waxa dhexdhexaadin ka galay Ergo ka tirsan Golaha Guurtida.
Ergada Golaha Guurtida yaa Saaka kulan isugu keenay xubno ka kala socda garabyada Muxaafidka Iyo Dhinaca Mucaaridka.
Kulanka ayaa ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo ogolayn, waxaana la sheegay in si foolka fool ah labada dhinac loo wada hadalsiiyey.
ma jiro war rasmiya oo ilaa hada ka soo baxay Shirkaasi, hase ahaatee ilo-wareedyo ayaa sheegaya in isku soo dhawaanshiyo laga sameeyay arrimihii laysku maandhaafsanaa.
Geesta kalena Golaha guurtida ayaa ilaa maalinta Sabtida ee Todobaadka dambe dib u dhigay fadhigii Golaha wakiilada Somaliland,oo maanta furmilahaa,iyada ay sababtay waan waanta iyo dhex dhexaadinta ay Aqalka odayaashu ka dhex wadaan mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland.
Mustafe Axmed(Herer)
gobanimonews.com/office.
Hargaysa/Somaliland