Monday, November 10, 2014

Hogaan-dhaqameed caan ah oo ku Geeriyooday Mudug

Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha oo ka tacsiyeeyey geeridii Ugaas Axmed Ugaas.

Muqdisho: November 9, 2014-(GNA)-waxa Degmada Gool-dogob ee Gobolka Mudug ku Geeriyooday Alle ha Naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ka mid ahaa hogaan-dhaqameedka Gobolka.

Ugaas Axmed ayaa ka mid ahaa samo-taliskii doorka weyn ka qaatay dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka Soomaaliya teer iyo xilligan kala guurka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud marxuumka aqoon badan u lahaa ayaa ka tacsiyeeyey geerida xaqa ah eek u timi Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood).

"Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa yiri. “Ugaaska wuxuu qeyb xoog leh ka soo qaatay samata-bixinta umadda Soomaaliyeed iyo aas-aaska dowladnimadda” .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali inuu janadii fardoowsa ka waraabiyo. AMIIN

Geesta kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood).

Reysal-wasaaraha ayaa marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxay Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo maanta ku geeriyooday degmada Goldogob. Ugaasku wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka ".ayuu yiri.

Gobanimonews

Gaalkacayo Office

Email: editor@gobanimonews.com