Soo saaraha Barmaamujka Hereri iyo Hargeysa, Cabdisalaan Ibraahim Hereri, ayaa ku furay Barmaamuj cusub oo ka mid ah taxanihiisa H. Iyo Hargeysa inuu ku faraxsanyahay inuu mar kale hawada ku soo laabtay Barmaamujku.
Hereri ayaa Barmaamujkan markii ugu horaysay ka baahin jiray Telefishanka UNIVERSAL, haatanse wuxuu mar saddexaad u guuray Telefishanka Dawladda Somaliland SLNTV, kaddib markii uu muddo ku nastay Telefishanka Horncable oo uu Wariyuhu wakhti kooban ka howl-gelayay qaybtiisa Somaliland.
Dabayaaqadii bishii October, ayaa qaybtii ugu horaysay ee Barmaamujkan laga daawaday telefishanka SLNTV,waxaana ka mid ahaa dhacdooyinka uu ka koobnaa, Idaacada wareegta ee Hargeysa, Caaqil beeshiisa hab casri ah u maamula, Aamina Faarax oo Fankii ka baxday, xagayse ku nooshahay?, fankii halkay kala joogaa? Iyo arrimo kale.
Hoos ka daawo Barmaamujkan oo aanu idiinku soo xulnay xiisaha ku duugan: