Thursday, November 13, 2014

Madaxweyne Beel Weynta Muuse Dhariyo waxay kaaga baahantahay Saamigii ay Xaq u lahayd

Marka hore waxaan  halkan ka salamaya , warbaahinta madaxa banana  ee  hadh iyo habeenba naga haqabtirta wararka ugu doorka roon iyo dhacdooyinka caalamka ,Intaas kadib , waxaa manta  igu  kalifay inaan qalinka iyo buuga u qaato markii  aan arkay  beelaha  ugu tunka weyn leh  Somaliland  oo ka cabanaya saami qaybsiga dalka, iyagoo beelweynta muuse dhariyana aanay wax habayaraatee saamiya aan ku lahayn dalka

Saami qaybsiga beelaha  ee xukuumadu  hogaaminayso kuwaas oo ku cabanaya inaanay  haysan  saamigii  ay xaqa u lahayeen iyadoo la ogyahay saamiga ay leeyihiin beesha samaroon ma ahayn  loogamana fadhiyin in ay  manta  yidhaahdaan  saamigii dalkaa naga maqan iyadoo la ogyahay  saamiga ay dalka ku leeyhiin ,

 

Halka beelaha qaar  haba yaratee  wax saamiya  aanay ku lahayn, beelahas waxaa  kamid ah beel weynta muuse dhariyo oo la ogyahay manta haba yaratee inaanay wax saami qaybsi ah  dalka ku lahayn manta marnaba loogama  fadhiyin inay soo gudbiyso cabasho beesha samaroon.

Guntii iuo Gunaanadkii

Waxaan ku soo gunaandaya  maqaalkaygan inuun  hadii  la doonaayo cadaalad iyo sinaan inay kuwada noolaadan reer Somaliland  waa in miiska wada hadalka iyo talada  dalka laga qayb galiyo bulsha weyntan  muuse dhariyo  ee  dulman beeshaas oo ah   dalkan beeshii loogu yimid oo beel walba oo reer  Somaliland ah ka  muddan  ka qayb  galka  talada   dalka,

Waxaan ku sooo gabagabaynaya qoraalkaygan sharciga iyo cadaalada  ha loo sinaado

Ilaahay  xaqaa ha ina garansiyo

Wabilaahi taqwfiiq








 Jama xayd

jamacxayd@hotmail.com)