Thursday, November 13, 2014

Gabadha ugu taajirsan Afrika oo iibsanaysa mid kamid shariikadaha ugu waawayn dunida

XARII-150x150(GNA)Isabel Dos Santos waa curada ama gabadha uu dhalay madaxweeynaha dalka Angola Mr.Jose Eduardo Dos Santos waxaana haweeneydaan loo caleemo saaray inay tahay gabadha ugu taajirsan Qaarada Africa.

 

Isabel Dos Santos ayaa iminka soo bandhigtay qorshe ay si toos ah ugu iibsaneeyso mid ka mid ah Shirkadaha Telefoonada ugu caansan Qaarada Yurub waana shirkad laga leeyahay dalka Bortuqiiska taas oo lagu magacaabo Portugal Telecom (PT) .

 

Isabel Dos Santos oo iminka leh shirkado ganacsi oo aad u fara badan waxeey ku hoowl gashaa magaca shirkada Terra Peregrin wuxuuna Jaraaidka Forbes dhawaan ku sheegay hantida ay heesato Aduun dhan 2 Bilyan oo Dollar una dhiganta 1,6 Bilyan oo Euro !!