Tuesday, November 18, 2014

Hayada (IOM)iyo Dalada Sonyo oo si wada jira u soo bandhigay qorshe lagag hortagaayo masiibada Tahriibta

tahribta munaasibadHargaysa(GNA):- Hay'adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Socdaalka  Ee Magaceeda La Yidhaado International Office For Imigration (IOM)  Ayaa Magaalada Hargaysa Ku Soo Bandhigtay Qorshaheeda Ku Wajahan Siyaabaha Looga Hortagi Karo Socdaalka Sharcidarrada Ah Loo Yaqaano Tahriibka.



Munaasibad  Oo Aheyd Mid Aad U Balaadhan Oo Lagu Maamuusayey Arrimahaasi Ayaa Ka Dhacaday Hotel  Maan-Soor,
Waxaana  Xafladan Ka Soo Qayb galay Masuulityiinta Sare Ee Xafiiska Hay'adda(IOM), Wasiiro Ka Socda Xukuumadda Somaliland Saraakiil Sar Sare oo Ka Socday  Dalladda Sonyo  ,Hay'adaha  Ay Wada Shaqeentu Ka Dhexayso  Iyo Gudiga Ka Hortagga Aafada Tahriibka Iyo Dadweyne Kale Oo U Badan  Dhalin-yarada   Ay Sida Weny Arintani U Taabanayso.
Hay'adda IOM Ayaa Sanadihii La Soo Dhaafay Ku Hawlanayd La Tacaalidda Ama Sidoo Loo Yareen Lahaa  Tahriibka Oo Noqday Masiibo Qaran Oo U Baahan In Si Wada jira Ah Looga Hortago Hadda Wixii Ka Dambeeya Iyada Oo Kaashanaysa Xukuumadda Somaliland Qaybaheeda Kala duwan Siiba Gudida Uu Madaxweyene Siilanyo U Xil Saaray Ka Hor Taga Tahriibka ,Dalladda SONYO  Oo Iyadu Matalaysa Dhalinyarada Somaliland Oo Dhan Iyo Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha.


Munaasibadaasi Ayaa Waxaa Ugu Horen Ka Hadlay  Maxamed Cumar Iidaan oo ka socday Hay’adda IOM kana Mid Ah  saraakiisha Sar Sare Ee Xafiiskooda Magalada Hargaysa waxaanu ka waramay ujeedada shirkan noocan ah loo qabtay waxaanu ku sheegay inuu yahay jawaab ay xafiiskooda IOM ka  bixinayaan dalabaadkii xukuumadda Somaliland kaga codsatay IOM inay wax ka qabato arrimaha Tahriibka isla markaana ay xagga wacyigelinta kala arrimahaasi kala shaqayso Gudiga dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray dabagalka arrimaha Tahriibka  iyo meelaha laga soo abaabulo.




“IOM iyada oo ka jawaabaysa dalabaadkii ay xukuumadda Somaliland kaga dalbatay inay wax kala qabato mushaakilka  Tahriibka  waxa uu kulankani qayb-ka yahay inaanu Dawladda Somaliland kala shaqayno sidii looga hortagi lahaa Aafada Tahriibka” ayuu yidhi Maxamed Cumar Iidaan.

Sidoo Kale Waxaa Uu Maxamed Cumar Iidaan ku booriyey dhalinayada Somaliland inay ka waan toobaan mashaqada Tahriibka kuna ekaadaan dalkooda hooyo “waxaan dhalinyarada reer Somaliland u sheegayaa dhibaatada Tahriibku inay tahay masiibo qaran oo u baahan in siwadajira looga hortago IOM-na ay dhinaceeda horeyba ugu hawlanayd waxka qabashadeeda  hadana –ay wali diyaar u tahay sidii ay usii joogtayn lahayd dadaalkeeda la xidhiidha arrimaha lagula tacaalayo joojinta masiibada Tahriibka “Balanteenu waa No-tahriib No-tahriib No Tahriib” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey,
Dhinca Kale Waxaa Isna Munaasibadaas Hadlo Kooban Ka Soo Jeediyey Agaasimaha Dalladda dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Siciid Maxamed Cismaan oo isaguna halkaa ka hadlay Ayaa Sheegay inay arrimaha Tahriibku  yihiin dhibaato inteeda la’eg taasoo wada jir mooyee aanay jirin cid kaligeed u babac dhigikarta xalinteeda waxaanu Hay’adda IOM uga mahad celiyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xilsaarayo la tacaalidda arrimaha dhibka badan ku keenay qaybaha kaladuwan ee Bulshada ee Tahriibka “mushkiladda Tahriibku waamid ka balaadhan inay cidkaliya ahi wax ka qabato waxaana loo baahan yahay in layska kaashado sidii looga hortagi lahaa” ayuu yidhi Mr Saed.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda Mr Nuur Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlay waxa  uu sheegay inaanay dibadaha waxbajirin aan ka –ahyan dhibaato iyo ihaano ku dhacda qofka badaha isku tuura waxaanu dhaliyarada u waysada u sii biyeysanaya inay Tahriibaan ku waaniyey inay dhulkooda kaga shaqaystaan dhaqaalaha ay siinayaan Tuugta dariiqa u sii fadhida ee shilinkooda ka qaadanaya.




“dhulkeenu waa hodan basle dhibaatadu waxay tahay dhalinyaradii kuma Iimaan qabaan dalkooda markaa waxaan idin odhan lahaa inaad dhulkiina ku maalgalisaan dhaqaalaha –aad siinaysaan Magafe” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka cadaaladda Nuur Guuleed

Ugu Danbeetii Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Dhalin Yarada Dalxiiska Iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal  waxaanu sheegay inuu kamid yahay Gudiga dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray dabagalka iyo soo uruurinta dhibaatada Tahriibka isla markaana ay waxbadani uga qabsoomeen arrimaha loo diray inay wax furdaamiyaan “anigu waxaan kamid ahay Gudigii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray dabagalka –arrimaha Tahtiibka waxbadanina way noo-qabsoomeen” ayuu yidhi  Mr Raygal.
Dhanka kalana waxa uu dhaqan xun ku tilmaamay male awaalka dhalinyaradu Badaha isugu daadinayaani –inuu salka ku hayo Sawiro Been iyo Khayaali dabada ku haya oo boqolaakii ku dhintay Badaha iyaga oo sii Tahriibaya midkasoo hadhay oo kadib markii uu waddamada Yurubta galay Daaro dhaadheer hoostooda iyo meelo cagaarleh intuu isku soo sawiray soo dhigay Barta Facebook.


“Dhalinyaradan  Tahriibayaa waxay daba socdaan Sawiro uu midka bad-baaday halaagii Badaha uu soo dhigay Facebook isaga oo inyar oo Beera iyo Sac qoobka laga xidhay hareertaagan markaasay runtii moodayaan”  Ayuu Hadal Kiisi Ku Soo Koobay Wasiirka Dhalin Yarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.

mustafe herer

Gobanimonews.ocom.office

Hargaysa/Somaliland.