Suldaan Ibraahim Jaamaca samatar oo maanta shir jaraa’id ku qabta magaalada Borama ayaa ka hadlay saladiinta la kala safanaysa axsaabta somaliland, nabadgaliyada ,isagoo dhanka kalena fariin u diray axsaabta mucaaridka iyo xukuumadda.
Suldaanka ayaa sheegay inay salaadiintu ka fogaadaan hirdanka siyaasadeed ee somalind ka jiray maalmaha wuxuuna yidhi:”Ninka madaxdhaqameedka ah waxan leeyahay siyaasigu yaanu kugu shaqaysan, madaxdhaqameedbaad tahay axsaabta dalkoo dhanbaan u dhaxaysaa dadka aad suldaanka u tahayna axsaabta oo dhanbay ku jiraan, hadaad adu xisbi kaliya u hadashid intii kale waxad ogaataa inaad dayacday, waxa kale oo aan leeyahay madaxdhaqameedka aan ka waantawno arimahaas, waxay ahayd inaan arimahaas dhexdhexaad ka noqono oo aan dalka badbaadino, mana ahayn inaan isqaddino oo aan talifishanada ka hadalno”.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa sidoo kale aad u dhaliilay xisbiyada mucaaridka wuxuuna sheegay inay xisbiyada mucaaridku ka fogaadaan wixii nabad galiyo iyo khalkhal keenaya oo ay la yimaadaan siyaasad cusub si ay dalka u hogaamiyaan wuxuuna yidhi :” xisbi qaranbaad tahay waxanada rabtaa inaad dalka hogaamiso,soo diyaar galow oo barnaamijkaaga siyaasadeed la imo, reernimo inaad wax ku raadisaan maaha, nabad galiyaduna danbay inoo wada tahay, waxanan ka xumahay in waddanka ammaankiisa khalkhal la galiyo”.
Sidoo kale suldaanka ayaa ka hadlay mudaharaadkii todobaakan horraantiisii ka dhacay magaalada Burco wuxuuna suldaanku sheegay in mudaraadkaasi ahaa mid dib u dhac ku keenay Somaliland wuxuuna yidhi.” Waan ka tacsiyadaynayaa dadkii mudaharaadkaa ku dhintay intii ku dhaawacantayna Illaahaybaan caafimaad u waydiinayaa, raggii arintaasi ka dambeeyay waxan leehay khalkhalbaad dalka galiseen ee yaanan loo noqonin,loomana baahna cid mudaraad ku dhimata ama ku dhaawacanta ee xalbaa loo baahanyahay.”
Ugu dambayntii suldaan Ibraahim Jamac Samatar ayaa la hadlay xukuumadda wuxuuna yidhi: “Xukuumadana waxan leehay dadkani waa kuwii idin soo doortay, waxana loo baahanyahay inay xukuumaddu muujiso dulqaad, waxanan kala dardaamayaa xukuumadda inay amniga ilaaliso raadisana sidii ay dadka ku raaligalin lahayd”.
Mursal Elmi
Gobanimonews