(GNA)Daraasad cusub ay sameeyeen koox saynisyahnno ah u dhashay Dutch-ka ayaa sheegay in halkii mar oo dhunkasho ah la isugu gudbin karo 80 milyan oo bakteeriya ah. Lamaanayaasha isku shumiya 10 ilbiriqsi maalintiiba sagaal jeer waxaa ay kala
Shumiska ama baashida ayaa ah xidhiidh dhanka dabnaha oo ay sameeyaan lamaanayaasha, waana dhaqan 90% adduunka dabeecad u ah.
Sharaxaada ay bixinayso daraasadani ee ku saabsan dhunkashada uu qayb wayn ka qaato in la isu gudbiyo bakteeriyada afka. Daraasadda ayaa sidoo kale ogaatay arintaan aanan horay cilmibaaris loogu samayn.
Professor Ramco Kort oo hogaaminaya kooxda cilmibaarayaasha ah aya shir jaraa’id ka yiri “ Waxaan doonaynay inaan ogaano ilaa iyo heerka uu shumiska lamaanayaasha ay ku kala qaadi karaan bacteeriyada Afka, inta badan oo la is shumiyo waa inta badan oo la wadaago bakteeriyada”.
Kooxda cilmibaarayaasha ah ayaa isugu yeedhay 21 lamaane, waxaa ayna waydiiyeen su’aalo ku saabsan dabeecadooda shumiska,ama dhunkashada kadiba waxaa lamaanayaasha laga codsday in is shumiyaan taasoo. Cilmibaarayaasha ayaa tijaabo ka qaaday lamaanayaasha ka hor iyo kadib shumiska.
Waxa daraasadda lagu ogaaday, in baadhistii ay sameeyeen shumidka ka dib ay ogaadeen in ay isu gudbiyeen 80 milyan oo bakteeriya ah.
XIGASHO-http://www.counselheal.com/