Ma jiro amuurtaa ku saabsan oo kasoo baxay Xukumada, hase-ahaatee sida lagu sheegay Xogo GNA iyo Wargayska Yool ka heleen Qasriga Madaxtooyada, Qodobada lagaga doodday Shirkii Golaha Wasiirada ee Shalay qorsheyaal ay taageero xubno ka tirsan Golaha Xukuumaddu oo salka ku hayey ujeeddooyin gaar ah ay ka leedahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen kuwo loogu magac-daray Amaanka iyo Saxaafadda. Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), uu horkeenay Golaha Wasiirada Qodobka lagaga hadlayo Saxaafadda Madax-bannaan ee Somaliland, Wasiirku waxa uu usoo jeediyey Golaha Xukuumadda inuu xalka wax lagaga qaban karo Saxaafadda madaxa-bannaan sidii Xukuumaddu u samayn lahayd qorshe u saamaxaya inay la wareegto Ururka Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland (SOLJA), si ay taasi ugu hirgashona Xukuumaddu abaabusho Shirweyne lagaga qaadayo Suxufiyiinta ku bahoobay Ururkan, isla markaana isla markaana ay ka hawl-gasho ay sidii ay Maamulka Ururka SOLJA ula wareegi lahaayeen xubno Xukuumadda u dhego-nugul oo ay marsato ujeedooyinkeeda gaar ahaaneed. Qorshahaas ayaa daba socda tallaabo Wasiirka Warfaafintu dib ugu soo cusboonaysiisay Mashruucii dhex-mare-nimada Saxaafadda ee uu hore ugu hawlanaa, iyadoo ay weli heegada taallo lacagtii lagaga qaaday Wasiir Xirsi arrinkaa hirgelintiisa.
Sidoo kale waxa Wararka lagu sheegay in qodobka khuseeya Ammaanka guud ee Dalka, gebi ahaantiiba lagaga dooday Ururada ay ku bahoobeen Dhallinyarada Somaliland ee Jiiddali iyo Daallo, kuwaasoo ay Xukuumaddu ka damqatay dhaliilaha Maamul ee ay Ururadaasi u soo jeediyeen, qodobkan labadaan waxa uu ahaa mid ay soo-jeedintiisa lahaayeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde. Ugu dambeyn, waxana Shirkaas lagaga dooday sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa dhalinyarada ku bahoobay Ururada kor-ku-xusan.
Ugu dambeyn Golaha Wasiiradu waxay isku raaceen meel-marinta soo-jeedimaha ku saabsan af-duubka Ururka SOLJA iyo ka hortaga dhalinyaradii ku baaqday mudaharaadka salmiga ah.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo lagu dhaliilo Musuq, Maamul xumo iyo xad-gudub Dastuur, ayaa Suurtogalnimada qorshahan Xaruntii Qaranka looga arrimanayey ay taladii kusoo ururtay cago-juglaynta bulshada iyo cabudhinta Saxaafada ee ay Xukuumaddu damacsan tahay inay ku duudsido xuquuqdii Dastuurku u damaanad qaaday, waxay noqon doonaan Mindi laba afle oo ku kala jihaysan bulshada iyo tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa haylkalka Dawlad-nimo ee dalka, waxana uu maxsuulkoodu noqon doonaa cawaaqib-xumo aan la mahadin oo aakhirka dib ugu noqon doona intii kasoo shaqeysay go’aamintiisa.