Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa taxay qodobo badan oo uu ku durayo kharashaadka ay isticmaalaan Hay’addaha Xukuumaddu, isla markaana calaamatu-su’aal geliyay cadadka lacaga ka soo baxa Dekedda, Haamaha Kaydka Shidaalka, Lacagta ka soo baxda Dhulka iyo Guryaha la Iibiyo iyo Lacagta bixinta Liisamada Macdan baadhista ee ay wasaaradda Tamarta iyo Macdantu qaado.
Maxamed Xaashi oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, balse sanad iyo badh ka hor xilli ku qiyaasan shaqada laga eryay, ayaa arrimahan kaga hadlay qoraal dheer oo uu maanta Warbaahinta u qaybiyay, kaasoo ku dhaliilayo habka loo maareeyo, loo isticmaalo , isla markaana loo bixiyo qaybaha kala duwan ee Hantida Qaranka, sida Dakhliyada Iibka cusub ku yimaada iyo Kharashaadka ka baxsan miisaaniyada ee ay Hay’addaha xukuumaddu isticmaalaan.
Qoraalkaasna waxa uu ku bilaabay sidan: “Waxa ay ahayd, bilow xun. Suasha weli taagani waa; Yaa XAQ u leh inuu saamaxo, Hanti Qaran oo la lunsaday?. Arrintu marnaba ma aha,
-AWRKA DAMBE, AWRKA HORE ayuu socodkiisa leeyahay ee aan u gudubno, MUDDADII XILKA, MADAXWEYNE AXMED MAXAMED SIILANYO: Muxuu ahaa balan-qaadkii, markii uu ku jiray ololihii doorashada? Muwaadin dib ugu noqo, arrintaa.
Wuxu ka bilaabay, markuu xilka la wareegay, uu amray ama yidhi, waxba yaan loo raacin, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsadeen.
Waxa ay ahayd, bilow xun. Su’asha weli taagani waa; Yaa XAQ u leh inuu saamaxo, Hanti Qaran oo la lunsaday?. Arrintu marnaba ma aha, wax lama qaban. Waxa aan ka hadlaynaa waa sixid wixii qaldamay iyo toosin. Korodhka Miisaaniyaddu waa guul, waxaanu 2014 uu gaadhay S 152,000,000 waxa se muhim ah, side loo is-ticmaalay iyo maxaa lagu qabtay?
14 M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay (2011-2014), ee Ka baxsan Miisaaniyadeeda
SANNADAHA
2011
2012
2013
2014
Qaybta A
Nabad gelyo.
$ 421,266
$ 421,266
$ 551,266
$ 717,934
Safarada dibada
$ 273,000
$ 273,000
$ 563,000
$ 563,000
Ictirafradin
$ 624,167
$ 624,167
$ 790,834
Caafi Shaq
$ 483,333
$ 500,000
Gurmka Qaranka
$ 2,667,540
$ 2,667,540
$ 2,667,540
$ 2,667,540
G/Bari 2%
$ 4,000,000
$ 4,000,000
Gurma. Ciidamada
$ 1,600,000
$ 1,983,333
Dhisma, waddoyinka
$ 2,200,000
$ 4,000,000
$ 1,200,000
$ 267,000
Fuel levy
$ 1,333,333
$ 1,416,666
Hay’adda
$ 5,416,667
$ 296,668
Korod.Safar Dibadda
$ 290,000
Ictiraaf Raadinta ?
$ 166,667
Isugeyn
$ 3,361,806
$ 3,985,973
$15,222,639
$ 23,076,309
Isugeyn Guud Qayb A $ 45,646,727
$45,646,727
Miisaaniyada wasaarada madaxtooyada 2011-2014
$25,352,030
Isu gaynta kharashaadka hoosyimaada wasaarada madaxtooyada
$70,998,757
Isku celelin afarta sanadood waa
$17,749,689
Waxase jira M/Xige oo Madaxtooyadu la wareegtay oo Ka baxsan Miisaaniyadeeda
Dadkan reer Somaliland ee saboolka ahi uma baahna adduun la lumiyo iyo kharash xad-dhaaf ah. Wuxu u baahan yahay in loo tashiilo, dhaqaalaha yare ee dan-yarta laga soo ururiyo. Waxa kale oo loo baahnayn, wasiiro badan oo reero lagu raaligeliyo. Waxa loo baahan yahay HORUMAR; waxbarasho, caafimaad, shaqo abuur, beero, kaluun, biyo-xidh/balayo iyo ceelal, gacan-qabasho dan-yarta, saboolka iyo mushahar kordin ciidamada iyo shaqaalaha iwm.
cusub u magacaabay Laamaha Gobolka Togdheer iyo Degmadda Burco ,kuwaasi oo markii hore banaanaa ,waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbigaasi ee gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed waxaanu yidhi.
“ Marka hore waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 22- xubnood oo ah xubnihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer iyo Degmadda Burco ,waxaana ka mid ah xubaha aanu magacawnay , 1) Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ee Xisbiga Ucid, 2) Mudane Saleebaan Maxamed Cabdi Xoghayaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer ,3) Mukhtaar Jaamac X. Diiriye (Nadaara) Xidhii-dhiyaha Gobolka ah-na Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid ee Togdheer,4) Xamse Saleebaan Maxamed Guddoomiyaha Dhalinyaradda ee gobolka Togdheer, 5) Marwo Hadliya Maxamuud Ismaaciil Gudoonka Garabka Haweenka ee gobolka Togdheer,6) Marwo Khadra Maxamed Cali Gudoomiyaha Degmadda Burco ,7) Bashiir Ibraahim Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Degmadda “ Sidaasi ayuu Guddoomiyuha Xisbiga Ucid yidhi ,waxaanu cambaareeyay Suxufiyiinta la xidh-xidhay iyo Ciidanka Xukuumadu galisay Gurigii uu tegenaa Mulkilaha Telefishanka HCTV.
Axmed Nuur Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa cambaareeyay Xadhiga iyo Cabudhinta Saxaafadda Xukuumadu ku hayso waxaanu baaq u diray Madaxweynaha Somaliland .
“ Hadii dalka Saxaafadiisa madaxa-banaan la xidh-xidho oo la cidhiidhigaliyo ,mushkiladu waxay noqonaysaa Dimuqraadiyad iyo Xoriyatal qawl ma jiro , kol hadaan Dimuqraadiyadi jirina ,waxa weeye waxba ma jiraan ,Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne markii Daahir Rayaale xilka wareejinaayay ,waxa uu yidhi gacantayda Somaliland ku burburi mayso, markaa Madaxweyne adna waxaan kaa rajaynayaa in aaney gacantaada ku burburin Somaliland,waxaanan ku leeyahay haysba sharixine iska naso “ Sidaasi ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kale oo Xisbiga Ucid ka tirsan kuwaasi oo dhamaantood cambaareeyay xadhiga Xukuumadu kula kacday Wariyayaasha Saxaafadda ,Hay’adaha Warbaahinta ee la xidhay iyo waliba ciidankii la galiyay Guriga Mulkilaha HCTV ,waxaaney Dawladda ugu baaqeen in ay arimahan joojiso.
9 Wasaaradood
$ 5,164,891
30 Wasiir
$ 8,468,600
30% Shaqaale buuga saxeexa oo aan waxba qaban sls 138,879,954,612
$ 23,146,659
782 Caaqil oo aan loo BAAHNAYN
$ 2,815,200
11 Hayadood oo aan loo BAAHNAYN $ 3,521,059
Qiyaasta Mudanaha Xeer-dejinta ee la dooran waayo mushahar sano ( 90%) S 2,446,200
Korodhka mushaharka mudanayaasha Xeer-dejinta 2015 $ 1,333,000
Korodhka lacagtaa Madaxtooyadu la wareegtay 2013 & 2014 oo kaliya waa: $ 30,951,169
ISUGEYN
$ 77,846,868
DAKHLIYADA Kale ee la lunsado?
Dhulkii la iibiyay ……. $ ?
Daarihii la iibiya…$ ?
Dakhliga W. Macdanta (liison; kiro sannadeed; sales Tax)…$ ?
Dakhliga Dekedda . $ ?
Qayb Dakhliga, Haamaha Shidaalka… $ ?
Arimahani waxa ay nuqsaan weyn u geysteen: hab-socodkii Maamul-wanaaga iyo xilkii guud ee loo igmaday Madaxweynaha sida: Daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda.
Xilaalkaa ay madaxtooyadu gaarka iskaga dhigtay, Hay’adaha ay saamaysay ee aan TAMARIN, waxa ka mid ah; HANTI-DHAWRKA, Xeer-ilaalinta, Xisaabiyaha Guud, Gudidii Qandaraasyada iyo Komishankii Shaqaalaha Dawlada. Waxa kale oo ay saamaysay, Wasiiro iyo Guddi-Hoosaadyo Golaha Wakiilada. Intaas oo dhan oo ku dhici waayey in ay daba galaan hantidaa dawlada ee sida xun loo isticmaaley.
HADDII AAN SI hoose UGU DAADAGNO; XAALADDA DAWLADDA (Xukuumadda, Xeer-dejinta iyo Garsoorka). Waxaa la baalmarey DHAARTII DASTUURIGA QODOB.129aad, EE LAGU DHAARIYO masu’uliinta sare ee DAWLADDA oo ah;
“ WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD, DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”