Wednesday, November 12, 2014

Siilaanyo iyo Saylici oo kala shaandheeyay natiijadii tabashada reer Awdal:Daawo

Hoos ka daawo: Dadyahow kala qob-qoban... dalkii idinkaa qaribay ..hees toos u faadidaysa waayaha dalku marayo iyo saylici + siilaanyo tabashada reer awdal ka hadlay..

Siilaanyo iyo sayliciHargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inay Tabashadii Madaxweynuhu guddida u saaray ee Reer Awdal noqotay mid garowshiyo leh.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan ku dhawaqay inuu tabashadii beelaha Gobollada Galbeed dhawaan soo bandhigi doono natiijadii ay u soo gudbiyeen Guddidii uu xaqiiqo raadinta ugu saaray.

Saylici ayaa isna shalay sheegay inay cabashadii ay madaxweynaha kala hadleen isimada gobolka uu ka soo jeedaa ay markii la baadhay noqotay mid garowshiyo leh oo aan ahayn qof maagis iyo shakhsi weerar toona.

Saylici ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibad uu shalay ka qayb galay oo lagu qabtay Hargeysa.

Hadaba waxaan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa weedhaha labada masuul oo lagu lamaaneeyay Hees ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta iyo halkay marayso qabyaalada iyo kala qaybsanaanta umaddu.

Hoos ka Daawo: