Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, oo Isniintii la hadlayay shacbiga deegaankas, xilli uu booqasho ku tegay ayaa sheegay inuu si rasmiya u hoos-iman doono Hargeysa, iyadoo laga soo jaray Degmada Faro-weyne.
Dadka deegaankan ayaa soo dhaweeyay talaabadan, waxaanay sheegeen inay waligoodba ka tirsanaayeen Caasimada, isla markaana dhamaan baahiyaadka aasaasiga ah ee Bulshadu uu ku xidhanyahay Hargeysa, inkasta oo ay ku doodeen inay ka aradanyihiin waxqabad dawladnimo 54 sano ka hor.
Munaasibad balaadhan oo sida muuqatay loogu wan-qalay qorshahan cusub ee Deegaanka lagu hoos-geeyay maamulkiisa Magaalada Hargeysa, ayaa waxa hadalo ka jeediyay Maamulka degmada, Madaxda Gobolka Maroodi-jeex oo xaflada lagu soo dhaweeyay iyo waayeel si hufan uga sheekeeyay Taariikhda Xaraf oo goob-joog u ahaa tan iyo markii laga sameeyay beertii u horaysay ee beer-bustaan ah.
Waayeelka Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in tuuladan la magaaleeyay 1947, tan iyo markii ay mustacmaradii Ingiriisku dalka ka baxdayna wax horumar ah oo u kordhay jirin, wax ka sii dhaca mooyaane. “1947 ayaa deegaankan laga sameeyay beertii u horaysay oo uu siidh ku beeray Aabahay oo Nairobi ka yimi. Markii uu Ingiriisku dalka maamulayay ee taariikhdaa Mustacmaraadka wax-soo-saarkii aanu halkan ka samaynay waxanu gaadhnay inaanu cadan u dirno ( u iib –geyno).
Hadaba calan soomaaliyeed la taagyoo wax noo kordha maanu arag wax naga sii dhaca mooyaane. Wadadan deegaanka marta sanadkiiba marbuu naga samayn jiray ingiriisku, wax ka dambeeya maanu arag wax waddo noo hagaajiya iyo wax boqol dollar noo quudha toona”sidaasi waxa yidhi Mid ka mid ah waayeelka Deegaanka oo munaasibada hadal ka jeediyay .
Waxaanu intaasi ku daray “Roobku markuu da’o way kala xidhantaa Hargeysa iyo Xaraf waddo-xumada awgeed, dawladda wax xidhiidh ah oo naga dhexeyaa ma jiro, Wasaaradda arrimaha gudaha xidhiidh lama lihin, wax naloo qabtaana ma jirto annagu garan mayno meesha uu cadaadisku naga saaranyahaye”ayuu yidhi waxgaradka u hadlay bulshada deegaanka oo dhinaca kale soo dhaweeyay go’aanka Dawladdu ku hoos geysay Hargeysa.
Guddoomiyaha Deegaanka Xaraf Cabdiraxmaan Aadan Dhinbiil oo isaguna xafladan hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inay bulsho ahaan aad ugu faraxsanyihiin isbedelka maamul ee lagu sameeyay Deegaanka, waxaanu dhinaca kale Maamulka Gobolka maroodi-jeex sharaxaad ka siiyay baahiyaha ka jira ee u baahan in wax laga qabto.
Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee reer Xaraf ayaa sidoo kale dalbaday in la soo gaadhsiiyo mashaariicda kala duwan ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah, loona qoro shaqaale ka shaqeeya Beeraha iyo adeegyada waxbarashada, caafimaadka, Biyaha iyo nabad-gelyada.
Xoghayaha Fulinta ee Gobolka Maroodi-jeex Xamse Khayre iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolka oo xaflada iyaguna kelmedo kooban ka jeediyay, ayaa shacbiga deegaanka u balanqaaday in wax laga qaban doono dhamaan baahiyaha ay sheegteen, dhan kasta oo ay tahay.
Masuuliyiintan ayaa qiray in dib u dhaca ay mujtamaca Tuuladu sheegteen uu yahay mid jira, waxa kale oo ay ku booriyeen shacbiga inay Hay’addaha dawladda ee adeegyadoodu ka maqanyihiin ay baraarujiyaan. “ waxaan leeyahay dadkii Codka ka helay Xarafow reer Xaraf way idin sugayaan” sidaasi waxa yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo gabagabadii Munaasibadaasi ka hadlay, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in Xaraf laga soo wareejiyay Faro-weyne, kana tirsanyahay Hargeysa laga bilaabo hada “Xaraf waxay ka tirsanyahay Caasimada Hargeysa, kama tirsanidin Faro-weyne laga bilaabo hada”ayuu u sheegay Badhasaabku dadka reer Xaraf.
“Waddada waanu soo marnay, waxyaabaha kale ee aad sheegateen waanu ka war-qabnaa, qarankuna wuu idin ogyahay madaxweyne ilaa Badhasaab, waxaana taas idiin cadeynaya imaanshiyaha aan halkan ku imi anigoon qofna idinka aqoon”ayuu hadalkiisa raaciyay Jeeni-yare.
Guddoomiyaha ayaa isagoo sii hadlaya yidhi “waxaad heli doontaan saami la mid ah adeegyada ay dadka reer hargeysa helaan, waxaanu aniga iyo Maayirka Caasimada Hargeysa ka wada shaqayn doonaa sidii wadadaas loo samayn lahaa, ileen waxaad tihiin dad reer Hargeysa ahe.”.
Halkan ka Daawo Xaflada wan-qasha Xarafta cusub:
Deegaanka Xaraf oo Masaafo dhan 4KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Hargeysa, ayaa ah deegaan caan ku ah beer-bustaanta, waxaana ku yaalla beero-tiro badan oo bustaano ah, waana mandaqad ka mid ah meelaha ugu qadiimisan Gobolka Maroodi-jeex.
Axmed Muuse
Gobanimonews/ Dhamays Media
Hargeysa Office