Ciyaaryahanada African-ka ah ee u ciyaara kooxda reer Ruush ee FC Rostov ayaa ka dalbaday naadigoodu inay shaqada ka eryaan tababare Igor Gamula oo ku hadlay weedho qaawan oo midab takoor ah.
Mar wax laga weydiiyey ciyaaryahan Camarooni ah oo naadiga Rostov heshiis la gallayay, wuxuu tababare Gamula si aan gabasho lahayn ugu yidhi saxaafada Ruushka “Naadigani wuu haystaa cayaaryahanahu ku filan oo diir madow , Lix baanu ka haysanaa noocadaas”.
Natiijadii hadalkaasina waxay keentay in ciyaaryahano uu ku jiro xidiga xulka qaranka Koonfur Afrika ee Siyanda Xulu ay joojiyaan dhamaan xidhiidhkii naadiga kuna hanjabaan inay ka dhaqaajinayaan.
Gamula ayaa intaas kadib u sheegay wakaalada wararka Ruushka ee Tass hadaladan: “Waligay uma kala soocin ciyaaryahanadayda kuwo fiican iyo qaar xun, Ajinabi iyo Russian.”
Wuxuu intaas ku daray inuu raali gallin u dirayo kooxda.
Xulu ayaa ah mid kamid ah shan ciyaaryahan oo Afrikaan ah oo ku jira kooxdaas kuwaas oo ay kamid yihiin laacibiin u dhashay Angola, Mali, Gabon iyo Ivory Coast.
“Dadka aduunku waa kuwo runtii aad u qafal xun,” ayuu wakiilka ciyaaryahan Xulu oo lagu magacaabo Paul Mitchell ku yidhi idaacada BBC World Service.
“Waxa kaliya oonu rajaynaynaa in Rostov koox ahaan ay samayn doono talaabada lagama maarmaanka ah, aragtidayadana ay ugu yaraan eryi doonto tababaraha.
“Waxaan saaka la hadlay ciyaaryahan Siyanda sidoo kalena waxaan la hadlay naadiga. Waxa aan u socdaa waa inaan la kulmo madaxweynaha naadiga, oo aan isla meel dhigno xaaladan cakiran ee meesha taala, laakiin ulama hadlayn in tababar laga qaato tababaraha wakhtigan naadiga hagaya.
“Waxaanu dhamaantay meel uga soo wada jeednaa sidii looga cidhib tiri lahaa midab iyo jinsi takoorka kubada cagta.”
Gamula ayaa u sheegay wakaalada Tass in dhamaan ciyaaryahanadiisu ka qayb qaateen tababarkii kooxda ee Isniintii. waxaanu yidhi: “Si uurka ah ayaan uga werwerayay arintan, hurdana ma seexan laba caano maal. Ulama jeedin hadalkaas inaan cid ku aflagaadeeyo ama wax kaga sheego sharaftiisa.”
Naadiga Rostov ayaa ku guulaystay koobka the Russian Cup xili ciyaareedkii tagay, laakiin sanadkan xaaladu ku xun tahay, waxaanay fadhiyaan kaalinta 14 aad ee kala saraynta horyaalka wadanka Ruushka.