Thursday, November 6, 2014

Arsenal Oo 3-0 Ay Ku Horeysay Laga Xoogay Bareejo Dirqi Ahna Ku Baxsatay.

Kooxda Arsenal ayaa dirqi kaga baxsatay in 3 gool oo ay ku horeysay ilaa daqiiqadii 60 aad ee ciyaartana ku hogaaminaysay 4 gool loogu bedelo ciyaar lagala daba yimid oo ay dirqi barbaro ah kaga baxsatay naadiga reer Belgium ee Anderlecht oo marti ugu ahayd garoonka Emirates ee magaalada London.

article-2820605-22DA871A00000578-274_636x426

Rigoodhe uu ciyaarta ku furay Mike Arteta , gool labaad oo uu raaciyey xidiga ay dhawaan kala soo wareegtay Barcelona ee Alexis Sanchez ayay waliba ugu dareen gool uu Alex Oxlade-Chamberlain qaybtii dambe ee ciyaarta kaga dhigay 3-0 .

 

Laakiin sidii lagu yaqaanay kooxda Gunners iyo tababaraha qaybta dambe jaba ee Wenger , naadiga Anderlecht ayaa kala daba yimid oo saddexdii goolba ka soo ceshaday Arsenal , kuwaas oo ciyaartu ugu dhamaatay iyagoo raadinaya goolkii Afraad ee guusha.

 

Xidiga Vanden Borre ayaa laba gool oo daran doori ah is raaciyey , waxaana u saddaxeeyey ciyaaryahanka bedelka ciyaarta ku soo gallay ee Aleksandr Mitrovic ciyaariina waxay noqotay 3-3 barbaro ah.

 

Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay inay dib ugu oriyaan kooxdooda ilaa siidhigii ugu dambeeyey uu ku dhuftay garsoorihii ciyaartu.

 

Kooxda Germalka ah ee Borussia Dortmund oo 4 – 1 ku tuntay Galatasaray ayaa 12 dhibcood hogaanka ugu haysa Group D , waxaana ku xiga Arsenal oo 7 dhibcood leh , Anderlecht oo saddexaad fadhidaana waxay leedahay 2 dhibcood . kooxda Turkiga ahina dhibic kaliya.