Tuesday, November 18, 2014

11Saacadood oon xabsiga dhexe ku jiray iyo waxaan ka bartay.

waa maqaal ku saabsan xaaladaha ka jira Xabsiyada dalka,iyo sida ay iskugu dhexyaacsanyahiin nidaamkodu.

waxaana qoray wariye:Mustafe Axmed (Herer).

15kii November/15/11/2014 oo ahayd horaantii todobaadkan  hada sii dhamaanaaya waxay ahayd maalin si xoog leh loogu cabsaday xaalada Amaan ee Qarankan Somaliland,ka dib markii ay magaalooyinka Hargaysa,Burco iyo Ceerigaabo iyo Guud ahaanba magaalooyinka kale ee dalka Somaliland,ay Ruxeen banaan baxyo iyo mudaharaado gil gilay  kuwaas oo lagag soo horjeeday mooshin xilka gudoomiyenimo lagaga xayuubinaayay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane:C/raxmaan Maxamuud C/laahi(Cirro),oo la sheegay in laga soo mastaafuriyay madaxtooyada Somaliland, oo ay xukuumadu daba ka riixayso inkastoo xukuumadu dhalaycayntaasi iska fogaysa.

hadaba markay Saacadu ahayd Abaaro 10:ooAM(Subaxnimo)ayay ahayd markii ay Socdaal mudaharaada ay xildhibaano taabacsan Gudoomiye Cirro kana tirsan xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani, Iyo Taageerayaashoodu  ka soo bilaabeen Albaabka Hotelka Impirial hotel ee badhtamaha magaalada Hargaysa,Socodkan oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yahiin Talaabada Ciidamada Amaanku ay kula wareegeen Xarunta Baarlamaaanka Somaliland,khaasatan Golaha wakiilada,oo ay wakhtigaasi gacanta ku hayeen Ciidanka loo yaqaano RRUda.

taraagan Amma Socodkan mudaharaad oo intii hore ahaa mid salmiya oo aan wax dhiba wadan ayaa markii la soo gaadhay Albaabka Amma Agagaarka Maxkamada gobalka  Maroodi Jeex,waxa uu isku badalay mid rabshadaysan ka dib markii ay Ciidamo tiro badan oo lagu daadiyay Aagaasi ay isku dayeen inay joojiyaan dadka banaan baxaaya ee ay horkacaayeen xildhibaanada xaruntoodii loo diiday,islamarkaana ay ishortaagaan mudaharaadka, dhalin yaradii ka qayb qaadanaayay mudaharaadka ayaa waxay bilaabeen shiid si ay ciidanka iskaga caabiyaan Ciidanka ishortaagay banaan baxooda Nabadaysan ee Salmiga ah, Ciidanka ayaa iyana dhankooda isticmaalay oo Miciisaday Rasaas iyo xabad ay ku fureen banaan baxayaasha.

hadaba Daqiiqado yar ka dib xaalada ayaa isku badashay Goob Ciidan iyo Rasaaseed oo ka caagan shacabka, mudaharaadayaasha ay hor kacayaan xildhibaanada xisbiga Waddani,ee Golaha wakiiladu waxay la socda koox wariyeyaala oo aan ka mid ahay kana gudbinaaya banaan baxooda kuwaaso tiradoodu gaadhay ilaa Toban(10)wariye, hal mar ayaanu waxaanu ku baraarugnay naga oo ku jirna Laba(2)Guuto ciidan Dhaxdooda xaaladuna ay u eegtahay ....... La Soco

Qore:Wariye Mustafe Axmed(Herer)

suxufi ka tirsan shabakada Gobanimonews.com

email:Herersax@gmail.com

Tell:0634061560