Tababaraha Liverpool ayaa kaydka kaliyay lix kamid ah xidigii safka hore ee naadiga The Reds soona safay ciyaaryahanadii kursiga kaydku daashaday .
Ciyaaryahanada uu fadhiisiyey ayaa waxaa ugu horeeyey Steven Gerrard, kabtan kuxigeen Jordan Henderson, Raheem Sterling, Mario Balotelli, Coutinho iyo Glen Johnson .
Kooxda Madrid ayaa la rafatay ciyaaryahanada bedelka ku soo galli jiray Liver ee uu Rodgers’ kaga horgeeyey garoonkooda the Bernabeu.
Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-0 guushu ku raacday Real Madrid oo hogaanka Group ka B ku qabatay 12 dhibcood, halka Basel oo iyana 4-0 ku dubatay PFC Ludogorets Razgrad ay kaalinta labaad ku fadhido 6 dhibcood , Liverpool iyo PFC Ludogorets Razgrad ayaa min 3 dhibcood wadaaga