Wasiiro Ka Tirsan Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumada Ka Difaacay Eedaha Mucaaradka.Kana Hadlay Calankii Ay Gubeen Reer Gabiilay.
Waxa ay hadalka mucaaradka kasoo yeedhay ku sifiyeen Mid aan idhaha caafimaadka qabaa arki Karin,waxaana ay Ku sifeyeen Hadal Meel wayay.
Hargaysa(GNA)Qaaar ka mid ah Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilaanyo kana mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ayaa Jawaabo waafi ah ka Biixiyey Dhaliilaha Xisbiyada Mucaaridka ay u jeediyaan Xukumadooda iyo xisbigoodaba.
Xubnaha Wasiirada ee Shirka Jaraa’id qabtay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Warshadaha Abiib Timecad, Wasiir Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Xusseen Axmed Caydiid, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud jibriil iyo masuuliyiin kale kuwaas oo Midh midh usoo bandhigay waxqabadka xukuumada.
Waxa ay hadalka mucaaradka kasoo yeedhay ku sifiyeen Mid aan idhaha caafimaadka qabaa arki Karin,waxaana ay Ku sifeyeen Hadal Meel wayay.
Wasiirka wasaarada warshadaha somaliland Abiib Diiriye Nuur waxaana uu ka hadlay Calanka Xisbiga Kulmiye Astaanta u ahaa ee ay gubeen Reer gabiilay,waxaana uu ku tilmaamay arin lasoo abaabulay waxaana uu yidhi”
“Xaalada dalka somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa Runtii Inta uu xilka hayay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Xukuumadii ka horaysayna waad ogaydeen waxa ay dalka ka fulaysay waxaana ay isku yihiin Cir Iyo dhul,Markii Xisbiga Kulmiye u tartamayay Madaxtinimada dalka balan ayuu ka qaaday dhamaana wuu fuliyay,Waxaana ka mid ah Darajada ciidamada,Waxbarashada dugsiyada hoose,Wadooyinka iyo wax badan oon halkan lagu soo koobi Karin,indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan kuwa kalena Runtii Ma arkayaan.
Wasiirka wasaarada Warashadaha jamuuriyada somaliland Abiib Diiriye Nuur Oo Hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray”
“Maalin dhawaydna waad ogaydeen Nin ayaa yidhi dalka amisom hatimaado taasna macnaheedu waxa weeyaan dawladi dalka kamajirto arinkaasna Shacabka ayaa ka garsooray inuu Gaf ka galay qaranka Xildhibaankaasi, Waxaan anigu hadalka mucaaradka ku tilmaami lahaa dameer meel arad ah daaqaya oo Inta uu bur Gooso is yidhi Malagii Nafta ka qaadayay kaga soo baxay oo ku yidhi Wax codso,Markaa ayaa uu yidhi Cawskaas fiican ee halkan ka baxay yaanu aniga iga danbayn,Hadalka mucaaradkuna waa sidaas.
waxa uu ka hadlay wasiirku shacabka gabiilay oo xukuumada kulmiye kalsoonidii kala noqday isla markaasna gubay calankii xisbiga kulmiye astaanta u ahaa waxaana uu yidhi”
“Calankan ay gubeen Reer gabiilay ee ay kabahana ku masaxdeen lugo ayay ahayeen ee marag ayaad aragteen,Afar inan ayaa laleexiyay oo arinkan Foosha xun loo dhiibay,Arinkaasina wax sax ah maaha waxa uu ahaa wax foojari ah oo la sameeyey,Dhalinyarada gobolku caaqiladu iyo dadka waawayniba waxa ay tageersan yihiin waa kulmiye.
Wasiirka wasaarada cadaalada iyo Garsoorka somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”
“Xukuumadu wax walba way dhamaysay Xaga miisaaniyada iyo xag walba,Lakiin Cid aan doorasho doonayay shacabka somaliland waa u cad yahay,dood tvga qaranka ka socotayna waad daawanayseen cid ay ku foorartayna iyo cid aan waxba meesha la iman waad arkayseen,Waxaanan maalin dhawayd maqlayay nin lahaa 50 gaadhi oo tikada laga soo rogay ayaa dagaal lagu abuurayaa hubna la saarayaa ciidan gaar ah la qoronayaa arintaasna waxaan u arkaa beentii mucaaradka.
Wasiirka Wasaaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif ayaa iyaguna si isku mid ah ugu hadlay Guulaha ay ku talaabsatay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,waxaana ay dhan uga leexiyeen Eedaha ay Xukuumada usoo jeediyeen Asxaabta mucaaradka kuwaas oo ku tilmaamay Been Cad.
Waxa ay shegeen in ay Xukuumadani u tafaxaydatay Sidii dalka somaliland Horumar Buuxa u gaadhsiin lahayd waxaana ay shacabka usoo jeediyeen inaanay dhag u dhigin Hadalka Mucaaradka kasoo yeedhaya.
Gaba-gabadii Waxa shirkaasi jaraa’id soo afmeeray Guddoomiye Ku-xigeenka 3 aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxman Talyanle waxaana uu yidhi”
“Madaxwayne Siilaanyo waxa uu cuno muuwaayin ee waxa uu doonayaa inuu iska reebo tariikh aad u wayn,taas oo shacabka la horyimid wax qabada dhab ah,waxqabadka kulmiye qabtay ayaanu ku cel-celinaynaa kuwa aan arkayn ayaanu sankooda ku xoqoynaa si indhahoodu u arkaa,cadceedaas miyaa sacab la saari karaa Waxqabadka kulmiyena waa sidaas.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirada iyo wasiir ku xigeenadan ka tirsan gudida Gulinta ee xisbiga kulmiye ayaa hadalkoodu kusoo beegmayaa xili shacabka gobolka gabiilay ay shegeen in ay xukuumada kalsoonidii kala noqdeen,waxaana uu wasiirka warshadahu sheegay in ay xisbiga kulmiye dib boodhka uga tumi doonaan.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews/Office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@Gmail.Com
.