Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo la waydiiyay Su'aal ku saabsanayd sida uu u arko Doorashada Guddida Beesha uu ka soo jeeda Musharaxnimada Kulmiye ugu cumaamadeen Guddoomiyaha Xisbigaa Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag ugu gacan saydhay go'aanka guddida Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale. waxa uu Wasiirku sheegay inaanay Musharaxnimadiisu ahayn mid uu cod kaga doonayo cid khaas ah balse uu yahay Wasiir Qaran oo musharaxnimadiisa Madaxweynaha cod uga doonaya Shacbiga Somaliland, ka horna Xisbiga Kulmiye .
Hoos ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/wasiirka-K.mp3"][/audio]
Hadalkan ayaa daba socda Kaddib markii shalay Guddida Hoodaale ee Shirkii agabar lagu aqoonsaday go'aan ku gaadheen inay kala reebeen Saddexda Siyaasi ee kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. waxaanay Guddidu sheegeen inay Muuse Biixi u doorteen Musharaxa Kulmiye ee Sacad Muuse.