Wednesday, December 3, 2014

Madaxtooyada oo xidh-xidhay Xisbiyahano Mucaarid ah

Waxay qaban qaabinayeen soo dhaweynta Taageerayaasha Cabdilaahi Darawal iyo xubno kale..

waddaniHargeysa(GNA)-Saddex ka mid ah Madaxda Xisbiga waddani ayaa xabsiga loo taxaabay Arbacada Maanta.

Guddoomiye ku xigeenkii Afraad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo-sanbalooshe) iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ayaa laga qabtay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Shacabka.

Labada xubnood ee lala xidhay Guddoomiye Ku Xigeenka Afraad ayaa kala ahaa Hinda Xasan Idiris iyo Daa’uud Food Cade, waxaana saddexda xubnoodba laga qabtay wadada hor marta madaxtooyada, ka dib markii mid ka mid ah saraakiisha ciidamada boolisku uu u dalbaday askarta Ilaalada Madaxtooyada, sida ay Wararka Sheegeen.

Ciidanka Madaxtooyada ayaa qabtay oo Bilayska u gudbiyay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda toona oo la xidhiidha xadhiga masuuliyiintan.

Xisbiga Waddani oo beryahan dambe sida dabaysha u ruxay Aqalka Madaxtooyada, kuna biireen Taageerayaal miisaan leh oo ka baxay Kulmiye, ayaa beri soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiin iyo Taageerayaal kale oo muhiim ah.

Saddexda qof ee la xidhay, ayaa ka mid ahaa Guddida qaban-qaabada Munaasibada Berri Xisbigu ku soo dhaweynayo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdilaahi Iimaan Darawal, taasoo loo aanaynayo in xadhiga loogula kacay si xaflada ay maamulayaan loo baajiyo berry.

Hore ayaa xisbigan Waddani waxa looga xidhay Xoghayihii Xanaanada Xoolaha oo muddo bal gaadhaysa haatan xidhan, iyadoo aan maxkamad la horgeyn.