Wednesday, December 3, 2014

khilaaf ka dhex dilaacay labada xisbi mucaarid iyo Waddani oo barito xaflada soo dhaweyna u qabanaaya Xoghayahii maaliyada ucid.

khilaaf ka dhex dilaacay labada xisbi mucaarid iyo Waddani oo barito xaflada soo dhaweyna u qabanaaya Xoghayahii maaliyada ucid.
Hargaysa(GNA).Warar u dhuun daloola labada xisbi mucaarid ee ucid iyo waddani ayaa tibaaxaaya in khilaaf xoogani ka dhex dilaacay labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid ka dib markii ay xisbiga Waddani soo dhaweeyeen xoghayahii maaliyada xisbiga ucid marwo faadumo siciid ibraahin taas oo dhawaan iska casishay xilkii xisbiga ucid ee xogahaye maaliyayeed, taasinay ay dhalisay cadho xoogan oo ka timi hogaanka sare ee xisbiga ucid.
hadaba ilo wadareeyo ku dhaw dhaw labada xisbi mucaarid ayaa shabakada wararka ee Gobanimonews.com u xaqiiyay in hadalo qalafsan ay is dhaafsadeen labada hoogan ee xisbiyada Waddani iyo Ucid,kuwaas oo ku salaysan nidaamka ay xisbiga waddani u qaabileen Faadumo siciid ibraahim,oo xisbiga Ucid ku tilmaamay mid ka baxsan nidaamka xisbiyada qaranka u yaala islamarkaana uu xisbiga waddani jabiyay heshjis ay hore u wada galeen labada xisbi ee Ucid iyo Waddani.
Geesta kalana xisbiga waddani ayaa maalinta khamiista oo ku began barito xaflada soo dhaweyna u qabanaaya marwo.faadumo siciid iyo taageerayaal kale oo ay wadato kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen xisbiyada Ucid iyo Kulmiye, mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino ayaanay noo suura galin iyada oo hogaanka xisbig Ucid ay noo sheegeen inay ka dhur sugayaan hadalka marwo faadumo siciid maalinta bariya ay ka jeedindoonto xafladaeeda waddani u qabandoono halka xisbiga waddanina aanu waynay cid ku haboon ka jawaab bixinta arintan.
sikastaba ahaatee khilaafka labada xisbi mucaarid ka dhex dilaacay ayaa ku soo beegmaaya wakhti ay xukuumada siilaanyo ay cadaadis xoogan ku hayso labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid,lamase oga halka uu ku dambayndoono khilaafkoodu.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com
hargaysa/Somaliland
herersax@gmail.com