" Ayaanbaa iman doonta , dadka sool iyo Awdal, aragooda la waayo oo ilays lagu raadsho,”.
Warar muddooyinkan dambe la isla dhexmarayay oo sheegayay in maleeshiyo beeleed isku urursanayaan deegaano ka tirsan gobolka Awdal oo maamulka gobolku horay u beeniyay, ayaa wararkaasi waxay u muuqdaan kuwo dhab ah, kadib markii suldaan Abubakar Cilmi wabar oo ka mid ah salaadiinta ugu miisaanka culus gobolka Awdal uu shir jaraa’id ku qabtay meel kamid deegaanada hoos yimaadda gobolka Awdal oo illaa hadda aan la aqoonsan.
Suldaanka oo shirkiisan jaraa’id kaga waramaya sababaha uu uga goostay Somaliland ee uu u galay buuraha ayaa sheegay in Somaliland kasii mid ahaan shaheedu noqday mid dhib u keenaysa beelaha kunool galbeed Somaliland. Suldaan oo wajiigaasa aad ka akhrisanaysid dhibaato qoto dheer oo isaga iyo bulshadiisa haysata ayaa sheegay in shirkan jaraa’id yahay mid uu ku sheecinayo inay beelaha galbeedku ka goosteen Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.
Suldaanka ayaa sheegay in dadwaynaha ku nool gobolka Awdal ay wax ku qaadan waayeen, waanooyin duur xul ah oo abwaanno iyo wax garad kale ay horay ugula dardarmeen shacabka reer Awdal, waxa uu suldaanku si gaar ah u xusay in Somaliland cashar ka baran wayday maanso uu tiriyay Allah u naxariistee Abwaan Gaariye oo maansada bayd kamid ah dhigayay,” Ayaanbaa iman doonta , dadka sool iyo Awdal, aragooda la waayo oo ilays lagu raadsho,”. Waxa kale oo uu suldaanku sheegay in reer Awdal qiimayn waayeen hadalo canaan ah oo uu masaajidka Harowo ee badhtama Borama ku yaall muddooyin badan ka sheegay sheikh Xasan Daheeye Axmed.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in bulshada reer Awdal yihiin bulsho dulqaad badan oo intii muddo ahaydba ka shaqaynaysay maslaxadda ummadda reer Somaliland,hase ahaatee uu dulqaadkii hadda dhamaaday oo beelaha galbeedku aynan noqon doonin beelo la jiqlaysto sida barkimooyinka jaadka.
Suldaanka ayaa hoosta ka xariiqay in beelaha galbeedka Somaliland kamid ahaayeen beelihii dhibaatooyinkii uga badnaa soo gaadheen markii uu burburay waddankii laysku odan jiray Somalia, taasi baddalkeedana ay qaateen nabbad si nolol loogu raadiyo shacabkii xilligaasi ku noolaa woqoyiga Somalia ee hadda la magac baxay Somaliland.
Suldaan Wabar ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xibiga kulmiye yahay xisbigii ugu horreeyay ee bilaabay kalagaynta iyo iska hor keenka beelaha samaroon, sidoo kale suldaanku waxa uu sheegay in beelaha galbeedku adkaysan kari waayeen hadalo duurxur oo lagu yidhaahdo beelaha, hadaladaasii oo ay kamid yihiin, waddanka ma degaane ka dareera, umaydin soo dagaalamind waddanka, mujaahidiin ma tihiin iyo hadalo kale oo badan ayuu suldaanku ka dhawaajiyay.
Xilligii uu xilka la wareegay madaxwayne siilaanyo, waxa uu suldaanku sheegay inay dhawrayeen oo ay sugayeen in madaxweynuhu kalsooni hor leh siindoono beelaha galbeedka, taasina ma ay dhicin ayuu suldaanku yidhi, arintaa baddalkeeda xukuumaddani waxay bilawday in muwaadiniinta reer Awdal loo diiday fursado hor leh, sida addeegyada aasaasiga ah ee ay muwaadiintu leeyihiin oo loo diiday, xilalkii muhiimka ahaa ee ay beelahani laheeyeen oo laga caydhiyay, u sinnaanshihii ganacsigu oo meesha ka baxay oo ganacsatada reer Awdal loo diiday inay wax dhoofiyaan ama la soo dagaan si xor ah, madax cashuur lagu sameeyo mudiniinta reer Awdal ee kasoo gudbaya xuduudka Djibouti .
Suldaanka oo shirkiisan jaraa’idi ahaa mid dheer ayaa sidoo kale sheegay in marka arimahaas oo dhan laga dhigto tixraac ay beelaha galbeedku in maanta wixii ka dambeeya ay go’aansadeen inay ka go’aan maamulka Somaliland waa sida uu suldaanku hadalkiisa u yidhiye,intaa waxa uu kudaray in reer Awdal xaq uleeyihiin inay samaystaan maamul u gaar oo ay u madaxbannaan yihiin sida beelaha kale ee somaliyeed u samaysteen maamulo gaar ah.
Dhanka kale waxa uu suldaanku cod dheer kula hadlay Somaliland wuxuuna sheegay in xadhigga isu haya Somaliland iyo bulshada reer Awdal ahaa salaadiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka, salaadiintuna arintaa ay kala kulmeen culays ay shacabku kala hor yimaadeen oo dhalinyarta badankeedu leeyihiin Somaliland way na qancinwayday. Arimaas darted waxa uu suldaanku sheegay in shacabka ku nool gobolada galbeedku hadda ka dib ay u madaxbanaan yihiin go’aamadooda oo ayna saladiinta cabudhin doonin.
Suldaanka oo u muuqda in marba marka ka dambaysa hadalkiisu soo maaxayo ayaa waxa uu intaasi ku daray inay shacabka ku nool gobolada galbeedku la wadagaan ummadda soomaaliyeed dhaqanka, luqada iyo diinta, sidaa darteedna shacabku ay ka codsanayaa dawladda federaalka somaliya inay helaan xaquuqda uu leeyaha maamul goboleed kasta oo hoos yimaadda federalka somaliya.suldaanka oo fariin u diraya dawladaha jaarka gaar ahaan Itobiya iyo Djabouti ayaa yidhi:” waxan codsanaynaa wax kasta oo suurta gal ah oo gobolka degaanshihiisu ku jiro inay naga caawiyaan, gaar ahaan ismaamulka somalida Ethiopia oo loo baahan yahay inay ogaato fikirka dadkayaga iyo doonistayada oo xalaal ah,xaq u dirirbaan nahaye. Mana doonayno in xuduudahayaga iyo degmooyinka aan xadka leenayah inay wax qalalaaso ahi gaadhaan. Madaxwaynaha Ismaamulka somalida Cabdi Maxamud cumar waxan ka codsanaynaa inuu na ogaado, dawladda Djaboutina waxan ka codsanaynaa inay na ogaadaan, oo shacabku waxaan rabnaa inay kala dhibaato la’aadaan”.
Gabagabadii suldaanka ayaa fariin u diray shacabka ku nool gobolka Awdal iyo gurbe joogga kasoo jeeda gobolka, wuxuuna dhalinyarta u sheegay inay mustaqbalkooda iyo danahooda aynan u cid kale u daba fadhiisan,sidokalena qurbe joogga looga baahan yahay inay dadka kula noolaadaan ammaan loogana baahan yahay inay waxqabsadaan oo danta dalka iyo ta dalkoodaba ka shaqeeyaan.
Hadalka kasoo yeedhay suldaan Wabar ayaa noqonaya hadalkii ugu cuslaa ee uu ka dhawaajiyo suldaan miisaan culus ku leh gobolka, shacabka ku nool magaalada Borama ayay arintani ku noqotay mid anfariir ah oo aan horay loo arag, waxase siyaasiyiin ka gaabsaday in magacaantooda la xuso sheegeen inay arintani boog madaw ku noqotay jiritaanka Somaliland.
Inkastoo xukuumaddu illaa hadda ayna ka hadal hadalka kasoo yeedhay suldaanka ayaa hadana waxa dad badani aaminsan yihiin inay arinta noqon doonta arin miisaankeeda leh. Saladiinta iyo siyaasiyiinta gobolka ayaan dhankooda illaa hadda ka hadal shirkan jaraa'id, haseyeeshee waxay la dhawrayaa meesha ay sal dhigan doonto arintani iyo qaabka ay xukuumaddu uga jawaab calin doonto.
halkan ka daawo vidioga oo dhamaystiran
http://youtu.be/HnfLruPSPSs?list=UUTWa_7KK8ZSIkvO0LTEUM6g
Mursal Elmi