Fadeexaddaha Musuqmaasuq ee Hadheeyay qandaraaska lagu soo iibiyay Gaadiid ciidan oo ay dawladdu bishii hore soo iibsatay..
Hargeysa(GNA):- Toddobaadyadii u dambeeyey Maalin-ba Maalinta ka dambeysay waxa soo if-baxayey xogo iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Gaadiid ka kooban nooca loo yaqaan Qabaalka ama Cabdi-bileyaasha (Toyota Land cruiser), kuwaasoo kasoo degay Dekedda Magaalada Berbera.
Gaadiidkaas oo aan Xukuumaddu si cad daboolka uga qaadin ujeedada loo soo iibiyay, balse dareenkoodu iyo hadal-hayntoodu si dad-badan uga socotay goobaha bulshadu ku kulanto, halka Fagaareyaasha Siyaasadana ay markii ugu horeysay kusoo duushay toddobaadkii aynu kasoo gudubnay, kadib markii Xildhibaan ka tirsan Aqalka Golaha Wakiiladu ka dhawaajiyey jiritaanka Gaadiidkaas, isagoo Xildhibaanku sii laban-laabay Shakiga iyo saskii bulshada qaarkooda ka muujiyeen Baabuurtan iyo ujeeddada ka dambeysa, sida tirada Gaadiidka oo aad u badan, Maamulka iyo dhaqaalaha qaabka loo adeegsan doono Gaadiidkaas.
Haddaba , iyada oo dareenadaasi ay halkaasi taagan yihiin, ayaa geesta kale sida aanu ku helnay xoggo iyo macluumaad aanu ka helany iibinta baabuurtaas, kuwaasoo ku saabsan qaabka loo maamulay dhaqaalaha Qaranka kaga baxay iibkii Gaadiidkan, hadal-haynta arrintan ayaa sida Wararka qaar tilmaameen waxa iibka Baabuurtan Gadh-wadeen ka ahaa Wiil uu Sodog u yahay Madaxweynaha Somaliland, laguna magacaabo Baashe Cawil, iyada oo xogaha arinkan la hal-maala qaarkood xuseen in iibka Gaadiidkan uu ku weheliyey Wiilka Madaxweynuhu Sodoga u yahay Maxamed Cabdi Aadan (Xaaji) oo ah Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Red Sea u fadhiya Imaaraadka Carabta, sidoo kalena ay Walaalo yihiin Wasiirada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Geesta kale, Gaadiidkan oo sida qaalibka ah nooca lagu heenseeyo Qoryaha Dagaalka, ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyadan aan si toos ah Baabuurtan looga soo iibin karin Kambaniga sameeyey ee TOYOTA, hase-ahaatee gacanta hore ee iibka Gaadiidkani uu dhex-maray Shirkadda TOYOTA iyo Mukhalas Falastiini oo leh Shirkad yar oo lagu magacaabo Salama Auto Traditional, halka wejiga labaad-na uu dhex-maray Shirkadda Salama iyo xubnaha gadh-wadeenka u ahaa iibka Gaadiidkan ee aynu Magacyadooda kor ku xusnay.
Haddaba, gacmaha badan ee iibka Gaadiidkan oo runtii ah masalo qof weliba is weydiin karo sababta ay ku dhacday, ayaa sida ay xuseen doodaha amuurtan ku xidhiidhsan qaarkood, waxa ka dhashay murran kadib markii is faham -waa ka dhex dhacay Masuuliyiinta Shirkadda TOYOTA iyo darafka kale ee Wiilka Madaxweynuhu Sodoga u yahay, waxana sida lagu sheegay tibaaxaha arinkan la xidhiidha uu is afgaran-waaga labada dhinac dhashay kadib markii ay Shirkadda TOYOTA diiday suurtogelinta dalabka ay Mr. Baashe iyo Xaaji ka codsadeen Shirkadda Japanes-ka ah ee TOYOTA oo ahaa in Warqada ama xaashida lacag qabashada (Payment Voucher) loogu qoro lacag qadarkeedu ka badan yahay qiimaha rasmiga ah ee iibka Gaadhigiiba, Caddadkeedana lagu sheegay $50500 oo Dolarka Mareykanka ah, halka sixirka dhabta ah ee Shirkaddu Baabuurta ku siisayna yahay $35510 – oo lacagta Mareykanka ah, taasoo faraqa u dhexeeya labada weji ee iibka Gaadiidka ka dhigaysa $15000 oo Dollar.
Geesta kale, Xisaabta dul-socodka ah ee la saaray halkii Baabuur-ba, ayaa Marka la isu-geeyo tirada guud ee Gaadiidka oo dhan 104 Qabaal ama Land-Cruiser waxa ay faa’idada uga soo xeroonaysaa noqonaysaa $1,560,000 (Milyan, Shan Boqol iyo lixdan) oo Dolarka Mareykanka ah.
Maamuleyaasha Shirkadda TOYOTA ee Imaaraadka Carabta, ayaa sida lagu sheegay Wararka khuseeya iibka Gaadiidkan, waxa ay diidmadooda ku sababeeyeen in aanu saamaxayn nidaamka ay ku shaqeeyaan oo ah mid isku xidhan, sidoo kalena dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo Xisaabaadkooda ka socda Xafiisyadooda Adduunku ay yihiin kuwo ku socda hal meel iyo hal nidaam oo kaliya.
Lasoco Xoggo kale iyo Documents..