Tuesday, November 4, 2014

Dad u dhintay cudurka Shuban-biyoodka Magaalada Burco

Jadeeco ka dilaacday Tuulooyinka iyo miyiga Gobolka Togdheer''ilaa intaanu ognahay Laba qof baa u dhintay''Isuduwaha Cafimaadka Togdheer.

Dr. CabdiBurco(GNA)-Ugu yaraan laba qof ayaa saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer ay xaqiijiyeen inay u dhinteen Shuban Biyood ka dilaacay Magaalada bishii dambeysay. Kuwo kale oo tiro badan ayaa Cisbitaalka u jiifa xanuunkaas.

Deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa laga soo sheegay inuu ka dilaacay Xuunka Jadeecada, kaasoo soo ritay tiro dad ah.

Isu duwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin X.Saleebaan oo Gobanimonws la hadlay ayaa ka war bixiyay xanuunnadan ka dilaacay Gobolka.

waxanu yidhi''ilaa roobab kii danbe intii u da,ay waxoogay shuban ah baa kusoo kordhay Magaalada Burco,dad doora ayaa Cusbitaalka la keenay oo aan maalintii shan ka badanayn oo caruur u badan ilaa intaanu ognahay laba Qof baa u dintay,mudo ilaa Todoba casho ahba wuu soconayay,Isuduwaha oo ka hadlaya xaalada jadeecada ayaa yidhi''Jadeecaduna waa miyiga oo waxay ku badan tahay tuulo Taala-Buur la yidhaahdo,hadana waxaa u danbaysay Booraamo,Ilcarmo,kabare iyo boodlay,markaas dhawr meelood baanu tiiman u diray oo ilaa todoba casho waa laga shaqaynayay.hada xagaa hawdka waxaa iminka laga soo daweeyay ama lasoo talaalay qaar ay ku dhacday iyo qaar laga soo talaalay  ilaa Laba Boqol oo qof.”ayuu yidhi.
Isuduwaha oo ka hadlaya Talaabada ay qaadeen iyo  Fariinta Bulshada  u diraya waxaa uu yidhi''Waxaanu dadka u sheegayanaa inay nadaafada ilaaliyaan oo Biyaha iska nadiifiyaan,Faraxalka badiyaan, waayo waxa uu ka dhashaa waa nadaafada xumada,Qofkii ay ka shakiyaan ee shuban uga shakiyaan ay dhakhtarka,anagu waxaanu samaynaa wixii Cisbitaalka  la keeno waa dawaynaa”.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com