Saturday, November 8, 2014

War DEG DEG:Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Degmada Xamarweyne..

Muqdisho(GNA).Hoteel Maleyka oo ku yaala Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho waxaa Goordhaw ka dhacay Qarax Xoogan kaasi oo Gaadhi loo Adeegsaday.
Sida Wararka ay nagu soo gaarayaan Qaraxa ayaa waxaa uu ka Dhashay Gaadhi nuuca Raaxada mana geysan wax Qasaara ah sida ay inoo sheegen Saraakiisha,Albaabka hore ee Hoteelka ayaa uuna Qaraxa ka dhacay.
Ciidamada Amaanka iyo Maamulka Degmada Xamarweyne ayaa baadhaaya Sababaha Qaraxa uu ku Dhashay.
Hoteelka ayaa kamid Meelaha ugu Saxmada badan Degmada Xamarweyne waxaana la ogeyn Qasaaraha uu geestay Qaraxa ka dhacay ilaa hada,Inkastoo Qaraxa uu ahaa mid aad u Xoogan.
qaraxan ayaa ku soo beegmaaya wakhti ay golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ay ka digeen suurta galnimada weeraro ismiidaamina oo ay Kooxda Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka somalia khaastan magaalada muqdisho.
Gobanimonews.com.office.
mustafe Axmed Herer