UN(GNA)- Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxay walaac kaga muujisay weeraro arargixiso oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gobolka bilaha soo socda ,ka dib geeridii hogaamiyihii Al-shabaab Sheikh Mukhtaar Abu Zubeyr.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in geerida Abu Zubeyr,aysan micnaheedu ahayn inay idlaadeen weeraradii Al-shabaab ay ka fulinayeen dalka Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii la soo dhaafay soo jeediyay in hogaamiyihii Al-shabaab ee geeriyooday ku lug lahaa weerarada iyo go’aamada maalin la ah ee la qaari jiray,waxayna meesha ka saareen in geeridiisa ay saameyn ku yeelan karto howlaha argagaxisada ay wadaan,sida warbixinta ka soo baxday Golaha amaanka lagu sheegay.
Qaramada Midoobay ayaa si cad u sheegtay inay macquul tahay weeraro Al-shabaab ay ka geystaan dalkaan geeska Africa ku yaala iyo waliba Gobolka bilaha soo socda.
Ka dib geeridii Sheikh Mukhtaar Abu Zubeyr,Al-shabaab waxay Soomaaliya ka fuliyeen weeraro loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,kuwaasi oo ka dhacay Muqdisho qaar ka mid ah gobolada dalka.
Gobanimonews
hargaysa/Somaliland